Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: raysmaggaarto
goggobo 1. Geed-nagaar leh caleemo yaryar iyo xididdo lagu daweeyo cudurro badan waxna lagu dhayo. 2. Ciidda oo lagu weyseysto. ld gaggabo, geggebo, goggobb.
goggomi Hoore yar weel ka shubi.
goggomin eeg goggom.
goggon In yar oo hoore ah oo weel salkiisa ku hara.
goggonsad ld goggonsash.
goggonsasho eeg goggonso. ld goggonsad, goggons.
goggonsi ld goggonsash.
goggonso In yar oo hoore ah weel ka shubash.
goglad ld goglash.
goglamid eeg goglan.
goglan (1) Wax la goglay noqosh.
goglan (2) Wax la goglay ahaansh.
goglanaan eeg goglan². ld goglanaansh.
goglanaansho ld goglanaa.
goglasho eeg goglo. ld gogla.
goglid eeg gogol.
goglo Gogol dhigash.
gogo Hilib iwm qarsoodi wax uga goosash.
gogol (1) 1. Wax kasta oo dhul la dhigto si loogu seexdo ama loogu fariisto. 2. Shir yar oo dad is-rabaa arrin kaga xaajoodaa.
gogol (2) 1. Wax dhul ku fidsasho si loogu seexdo ama loogu fariisto. 2. Sariir firaashi.
gogol-ku-laab Lacag lagu qariyo gabar lala baxay gogoshii ay ku seexan jirtay.
gogoldhaaf (1) Oggolanshaha naag la qabo ay oggolato in uu u galmoodo nin kal.
gogoldhaaf (2) Naag la qabo nin kale in uu u galmoodo aqbali.
gogoldhaafid eeg gogoldhaaf.
gogoldhig Arar; hordha.
gogoldhigad 1. Keenidda cidi, cid ay wax ka tabanayso keento madal si ay ugala xaajooto arrintaas. 2. Gogoldhigasho; ararsasho. ld gogoldhigash.
gogoldhigasho ld gogoldhiga.
gogollaab Maalinta ugu dambeysa tacsi la dhigayay.
gogolxaar U g.: wax la rabo in la sameeyo waxyaabo sahlaya samayn.
gogolxaarid eeg gogolxaar.
<< < 643 644 645 646 647 648 649 650 651 652 653 > >>