Ereyga Maanta: tiiqtiiqsasho
deddejisld degdejin.
deddoQabow aad ah oo dhaxan badan leh. ld daddo.
deddooQabow aad ah oo dhaxan badan leh. ld daddoo.
deddoobideeg deddow. ld daddoobid.
deddoodeeg deddoo. ld daddood.
deddowWax deddo hayso noqosho. ld daddow.
dedebld dadab¹.
dedideeg ded². ld dadid, ded¹ (2).
dedmideeg dedan². ld dadmid.
dednaaneeg dedan³. ld dadnaan, dadnaansho, dednaansho.
dednaanshold dednaan.
deeQurub lagu soo jiidanayo foojignaanta qofka lala hadlayo. Tus. “Ila hadal dee! Dee, maxaad u yeeshay?”.
deeb11. Caws weelasha lagu deebiyo, leh caleemo dhuudhuuban, ubax qodxo leh oo ka baxa bannaanada. 2. Dambas dhirta qaarkeed laga shido oo loo isticmaalo waxyaabo kala duwan sida dhayidda xoolaha, magdaynta hargaha iwm. 3. Dambas.
deeb2D.na: dabadeed, kaddib.
deebaajild diibaaji.
deebaan1. Shiraac saddex gees ah intiisa hoose. 2. Xarig doonyaad isu haya farmaanka docdiisa midig iyo doonnida. ld deebaani (2).
deebaani1. Muddada urtu celcelis tahay ee u dhexeysa Oktoobar iyo Nofeembar. 2. ld deebaan.
deebad1. Ugaarsade aan herinta ku jirin ee keligii ugaarta. 2. Shimbir-malab; buli. 3. Shimbir yar oo qaylo badan oo keli keli dhirta gaagaaban dhex orda, bahallada iyo dugaaggana dadka uga diga.
deebi1. (f.g) Weel caano lagu maalo deeb ku nadiifin. 2. (f.g) Harag qoyan si dhogortu uga dhacdo deeb marin. 3. (f.g) Xoolo cadheysan deeb ku dhayid. 4. (f.g) Digir si uusan bahal ugu dhalan deeb ku shubid. 5. (f.mg) Kaga d.: wax meel yiil wada dhammayn.
deebineeg deebi.
deebsanWax la deebiyey ahaansho.
deebsanaaneeg deebsan. ld deebsanaansho.
deebsanaanshold deebsanaan.
deedifeeQof markhaantigiisa ama guddoonkiisa durid.
deedifeyneeg deedifee.
deedifoDuridda qof markhaantigiisa ama guddoonkiisa la duro.
deefGarabka intiisa kore; qarqar.
deeg11. D. ah: qof wax lahaa oo faqriyey. 2. ld deegid.
deeg2Istaag! ( fardaha ayaana loo adeegsadaa).
deeg31. Qof cayrtoobid. 2. Qoor kacsi dartiis la caatoobid. 3. Fardo fuulid.
<< < 62 63 64 65 66 67 68 69 70 71 72 > >>