Ereyga Maanta: boolicun
maxlalid eeg maxlal².
maxlalnaan eeg maxlalan. ld maxlalnaansho.
maxlalnaansho ld maxlalnaan.
maxlalo Maxlal sameysasho.
maxmaas Birdaawada bunka lagu dubo ama lagu saloolo.
maxmil (1) 1. Rixli. 2. Bir qaroofan oo yaxaasbadeedka lagu dabo. 3. Maro xariir-madow ah oo tal iyo quraan lagu qurxiyey oo kabcada lagu dado.
maxmil (2) Libaax-badeed maxmil ku dabid.
maxmilan Wax maxmil lagu qabtay ahaansho (libaax-badeed).
maxmilid eeg maxmil².
maxmilnaan eeg maxmilan. ld maxmilnaansho.
maxmilnaansho ld maxmilnaan.
maxmiyad (juqr.) Degaan ay sameeyeen dad ka soo fogaaday dalkii ay u dhasheen; degaanka cusubi sida caadiga ah waa mid aan hore loo degganeyn amase loo degganaa si teel-teel ah.
maxsuul-aayooneed (kiim.) Taranta ribnaannada: kw = [ H+ ] [ OH- ] ee biyaha oo ka dhalatay ayoonoobidda xaddi yar oo biyo ah. may diid. ld maya. maya diid. Erey tilmaama jawaab diidmo ah. ld may.
mayaay (1) ld mayay¹.
mayaay (2) ld mayay².
mayaayid ld mayayid.
mayac (1) 1. Caano dhaynimadii ka tegay suusacna aan gaarin. 2. Kibir. ld manyac¹.
mayac (2) 1. Mayac noqosho (caano). 2. Wax kibray noqosho. ld manyac².
mayacsan Wax mayacay ahaansho (caano). 2. Wax kibir hayo ahaansho. ld manyacsan.
mayacsanaan eeg mayacsan. ld manyacsanaan, manyacsanaansho, mayacsanaansho.
mayacsanaansho ld mayacsanaan.
mayal Siddada gaashaanka.
mayay (1) Roob xoog leh oo maalinta gelinkeeda hore da'a. ld mayaay¹.
mayay (2) Maalin gelinkeeda hore, roob di'id. ld mayaay².
mayayid eeg mayay². ld mayaayid.
mayddi (1) (bot.) Geed-quwaax dhererkiisu meel dhexaad yahay, qodax lahayn, caleen yaryar iyo laamo jilicsan leh,oo ka baxa buuraha dhaadheer iyo dhadhaabah korkooda, oo dhale xabag udgoon oo la shito.
mayddi (2) Nooc ka mid ah faleenka oo ah geedka ugu heer sarreeya.
maydhaamad ld maydhaamasho.
maydhaamasho eeg maydhaamo. ld maydhaamad.
maydhaami Xoolo la xaday, xoolo kale ku beddelid.
<< < 66 67 68 69 70 71 72 73 74 75 76 > >>