Ereyga Maanta: dhaniimid
hareed Timo ka soo baxa labada dhaban ee ragga. ld harreed.
hareef 1. Qof tabar daran. 2. Qof aan muuqaal wanaagsanayn. 3. Wax soo haray. 4. Derin duug ah.
hareer Dhinac; barbar.
hareerayn eeg hareeree.
hareeree Wax dhinac kasta ka marid.
hareereysan Wax hareer kasta looga meersan yahay ahaansho.
hareereysnaan eeg hareereysan. ld hareereysnaansho.
hareereysnaansho ld hareereysnaan.
hareeri (hareeri, m.dh) Geed aan qodax lahayn, dhirta waaweyn ka mid ah oo toos u baxa.
hargaamee Si nac ku jiro qof wax u yeelid.
hargaameyn eeg hargaamee.
hargaamo Si nacabnimo ah oo qof loo waxyeelleeyo.
hargaanti 1. Qof ugaarsashada aad u yaqaan. 2. Qof hawlkar ah.
hargab (1) Xanuun qufac, hindhiso iyo xummad leh oo dadka ku dhaca; duray. ld hergeb.
hargab (2) Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo waxaana keena fiirus. Wuxuu ku dhacaa xubnaha neef mareenka.
hargab (3) Duray qaadid.
hargabid eeg hargab³.
hargabsan Wax hargab hayo ahaansho.
hargabsanaan eeg hargabsan. ld hargabsanaansho.
hargabsanaansho ld hargabsanaan.
hargag (1) ld xargag¹.
hargag (2) ld xargag².
hargagid ld xargagid.
hargal (1) 1. Waqtiga u dhexeeya duhurkii iyo casirkii. 2. ld hargelid. ld hargalmo, hergel¹, hergalmo.
hargal (2) 1. Qorrax hoos ka gelid. 2. U h.: cid waqti duhur ah u martiyid. ld hergel².
hargalmo ld hargal.
hargaweylaalis Hargo weylo yaryar oo inta laysku tolay gogol laga dhigto.
hargeli Xoolo meel hoos leh oo ay qorraxda ka galaan geyn. ld hergeli.
hargelid eeg hargal². ld hargal¹, hergelid.
hargelin eeg hargeli. ld hargelis, hergelin, hergelis.
<< < 710 711 712 713 714 715 716 717 718 719 720 > >>

