bilhaarsiya (daaw.) Deris ku nool saddexda nooc uu leeyahayna ay keenaan cudurro dalalka kulul laga helo.
bili 1. Nasiib wacan. 2. Sharaf wacan.
bilic Muuqaal indhuhu u bogaan oo ay aad u jecleystaan.
bilicsan Wax muuqaalkooda indhuhu u bogaan oo ay aad u jecleystaan ahaansho.
bilicsanaan eeg bilicsan. ld bilicsanaansho.
bilicsanaansho ld bilicsanaan.
bilid eeg bil².
bilig If, inta muuqda durbadiiba qarsooma; big.
biligbilig 1. Dhimbilayn. 2. Babbinta.
biliglayn eeg biliglee.
biliglee Iftiin meel dheer bilig ka dhihid.
biliis ld boliis.
bililiqaysad ld bililiqaysasho.
bililiqaysasho eeg bililiqayso. ld bililiqaysad, bililiqaysi.
bililiqaysi ld bililiqaysasho.
bililiqayso Hanti la boobayo in yar ka qaadasho.
bililiqo Hanti yar oo meel la boobayo laga helo.
biliq Wax, wax si aan habeysnayn meel ugu firirsan ka dhigid.
bilirubiin (daaw.) Walaxyo midabeysan oo ka yimid jajabinta heemogolobiinta dhiigga oo xameetida la socda. Labada ugu muhiimsan waxa weeyaan biilirubiin oo midab hurdi ah leh iyo biiliferdin oo midab cagaar ah leh.
bilis 1. Bulshada inteeda aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 2. B. ah: qof aan xag dhaqameed wax dhaliil ah isir u lahayn. 3. B. xaawo: haween.
bilisayn eeg bilisee.
bilisee 1. Bilis ka dhigid; xorayn. 2. Gudid (gabar).
bilisxaawo Haween. ld bilisxaawood.
bilisxawood ld bilixaawo.
Biljim Eeg Beljim.
bilkeedi Aayaha dambe sida la noqon doono eegid.
bilkeedin eeg bilkeedi. ld bilkeedo.
bilkeedo Eegidda aayaha dambe sida la noqonayo. ld bilkeedin.
billaa Erey lagu muujiyo waxa loo maleeyo in ay dhacayaan; laga yaabaa in; armaa. Tus. “Billuu keen?”.
billaaban ld bilaaban.
<< < 68 69 70 71 72 73 74 75 76 77 78 > >>