Ereyga Maanta: mijarroorsanaansho
ibidimooloji (daaw.) Barashada cudurrada sida dhakhsaha leh u fida dad badanna mar ku wada dhaca si loo garto habkii loo joojin lahaa ama loo hakin lahaa iyo habkii looga hortagi lahaa mustaqbalka. Ma aha cudurrada la is qaadsiyo keliya waxa ku jira cudurro kale oo bey'adda la xiriira: kansarka, cudurrada wadnaha iwm.
ibitiiliyam (baay.) Nudo laga helo lafdhabarleyda oo ka samaysan unugyo aad isugu cufan oo ay u dhexeeyaan walax unug-gudeed ahi. Waxay samaysaa xuubka sare ee ku wareegsan jidhka iyo gidaarka moqorrada gudaha. Waxa kale oo ay sameysaa qanjidhada iyo qaybo ka tirsan organnada dareenka. Shaqooyinkooda waxa ka mid ah: ilaalin, nuugid, dhiiqid iyo dareen.
ibliis Uun xun oo dadka duufsada oo xumaanta iyo wixii Ilaah lagaga dheeraanayo u horkaca.
ibriiq Weel ka samaysan macdan, naxaas dhoob iwm oo af dhuuban, dhegdheer iyo dabool leh oo shaaha lagu karsado ama lagu shubto; kirli; jalmad.
ibtilee Dhibaato daran cid gaarsiin. ld ebtilee.
ibtileyn eeg ibtilee. ld ebtileyn.
ibtileysan Wax ibtilo ku dhacday ahaansho ld ebteleysan.
ibtileysnaan eeg ibtileysan. ld ebteleysnaan, ebteleysnaansho, ibtileys-naansho.
ibtileysnaansho ld ibtileysnaan.
ibtilo Dhib weyn. ld ebtilo.
ibtiloobid eeg ibtilow.
ibtilow Ibtilo la kulmid.
iclaan War la sheego oo aad loo faafiyo oo dadka la wada garsiiyo; ogeysiis.
icraab (1) (nax.) Dhismaha qaybaha naxwe ee ay weeri ka koobantahay.
icraab (2) (nax.) Qaybaha naxwe ee ay weer ka koobantahay sheegid. ld icraabi.
icraabi ld icraab².
icraabid eeg icraab². ld icraabin, icraabis¹.
icraabin ld icraabid.
icraabis ld icraabid.
ictikaaf (1) Fadhi masaajidka gudahiisa muddo la fariisto oo cibaado loo niyoodo.
ictikaaf (2) Cibaado awgeed masaajid ku raagid
ictikaafid eeg ictikaaf².
ictikaafsan Wax ictikaaf ku jira ahaansho.
ictikaafsanaan egg ictikaafsan. ld ictikaafsanaansho.
ictikaafsanaansho ld ictikaafsanaan.
ictiqaad (1) Rumaysnaanta wax waxtarka uu leeyahay ama wax yeeladiisa.
ictiqaad (2) Diin, mabda' iwm aaminid.
ictiqaadid eeg ictiqaad².
ictiqaadsan ld citiqaadsan.
ictiqaadsanaan ld citiqaadsanaan.
<< < 768 769 770 771 772 773 774 775 776 777 778 > >>

