Ereyga Maanta: fullaacsan
dhabannaanoSi xoog leh oo cid sacab fidsan dhabanka looga dhufto.
dhabannacasoMiro digireed oo aan weli bislaan.
dhabannahaynFikir iyo walaac oo sacabka dhabanka lagu qabto. ld dhabannahays.
dhabannahaysld dhabannahayn.
dhabaq11. Sacab, durbaan iwm oo ciyaar, hees iwm loo tumay oo aan laysla helin. 2. Dhiin yar, baaldacarka fiiddiisa ku samaysma, sida malabka u macaan oo la cuno.
dhabaq2Sacab, durbaan iwm oo hees, ciyaar iwm loo tumayo isla heli waayid.
dhabaqsanWax la dhabqiyey ahaansho.
dhabaqsanaaneeg dhabaqsan. ld dhabaqsanaansho.
dhabaqsanaanshold dhabaqsanaan.
dhabaqsashoeeg dhabaqso.
dhabaqsoWax macaan cunid.
dhabaqtir1ld dhabaqtirid.
dhabaqtir2Wax dhabaqsan dhabaqa ka saarid.
dhabaqtiranWax la dhabaqtiray ahaansho.
dhabaqtirideeg dhabaqtir². ld dhabaqtir¹.
dhabaqtirnaaneeg dhabaqtiran. ld dhabaqtirnaansho.
dhabaqtirnaanshold dhabaqtirnaan.
dhabarOogada nafleyda, inta ka bilaabata surka salkiisa ilaa meesha lafdhabartu ku dhammaato; dul.
dhabar-adagQof hawsha adkaysi u leh ahaansho.
dhabar-adaygAdkaysi loo yeesho hawl. ld dhabar-adkaan.
dhabar-adkaaneeg dhabaradag. ld dhabar-adayg, dhabar-adkaansho.
dhabar-adkaanshold dhabar-adkaan.
dhabar-daacoGodnaanta dhabarku ku yeesho dusha sare.
dhabar-garaac1Xoog kula bixidda gabar la guursanayo. ld duud-garaac¹.
dhabar-garaac2Gabar la guursanayo xoog kula bixid. ld duud-garaac².
dhabar-garaacashoeeg dhabar-garaaco. ld duud-garaacasho.
dhabar-garaacideeg dhabar-garaac². ld duud-garaacid.
dhabar-garaacoGabar la guursanayo xoog kula bixid. ld duud-garaaco.
dhabarjab11. Dh. ah: hawl culus oo lagu daalo. 2. Dh. ah: arrin aan lagu guulaysan. 3. ld dhabarjabid.
dhabarjab2Ku dh.: hawl culus ku daalid.
<< < 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 > >>