Ereyga Maanta: hirqad
gowriirid eeg gowriir². ld gowiir¹ (2), gowriirsad, gowriirsasho, gowriirsi.
gowriirsad ld gowriirid.
gowriirsasho ld gowriirid.
gowriirsi ld gowriirid.
gowriirso ld gowriir².
gows (1) Surta inteeda cillanka ukunta u eg.
gows (2) (c.nafl.) Ilkaha qofka, iligga 6aad, 7aad iyo 8aad oo dhinac walba ee saamanka waxaa la yiraahda gows.
gows-haysad ld gows-haysasho.
gows-haysasho eeg gows-hayso. ld gows-haysad.
gows-hayso 1. Arrin aan la jeclayn, ka hadalkeed, iska ilaalin, ka aammusid. 2. Ka g.: qof diiddan ahaansho.
gows-horaad Ilka gowska ka hormaraya.
gowsdambeed Gowsaha gowska ugu dambeeya.
gowsdheero Gows inta debca wax yar kor u soo baxa oo dabadeed wax lala calalin waayo: takhtar yaqaan oo baxsha haddaan loo helin xooluhu waa ku dhibtoodaan.
gowti Tuur; fiiq.
goxod Nooc caws yar ka mid ah. ld guxud.
goyn eeg goo. ld goys, goysmo.
goys ld goyn.
goysmo ld goyn.
gu' 1. Afarta nur oo sanadu u qeybsanto midkood: wuxuu u dhexeeyaa diraacda (jiilaal) iyo xagaaga, waana xilli roob. 2. 12-bilood; sano.
gu'rin Neef dheddig oo gu'ga uurowday.
gu'soore ld gusoore.
gu'yaal jire Dhir jiri karta ama noolaan karta sannada badan oo dhali karta ama aan dhalin sannadka hore.
gub (1) eeg gumaar; dhaawac dab oo biskood.
gub (2) Dab ku dhejin, qabadsiin.
gubaangub ld gubungub.
gubaas Budo madow oo dhiilaha ama haamaha la culay marka la catireeyo ka soo daata.
gubad 1. ld gubato. Dhul dab geedihii sare ka dhammeeyey. 2. Dab. 3. ld gubasho.
guban (1) Dhul-xeebeed, kulul, aan geedo lahayn, cusboole ah oo ku dhereran badda cas.
guban (2) Wax dab maray ahaansho.
gubasho (1) eeg gubo. ld gubad (3).
<< < 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 > >>