qurxoonaan ld quruxsanaan.
qurxoonaansho ld quruxsanaan.
qurxub Xididdo iyo qanjirro yaryar oo candhada ku yaal oo caanaha dhala; kurxin.
quse Caleen la shiidey oo maydka lagu dhaqo.
qush 1. Dacar; qaras. 2. Uurxumo iyo ciilqab cid ku jirta.
qushaash (1) 1. Wasakh. 2. Qashqashaad.
qushaash (2) Cid qashqashid.
qushaashid eeg qushaash².
qushayn eeg qushee.
qushaysan Wax wasakh u yeelid.
qushaysnaan eeg qushaysan. ld qushaysnaansho.
qushaysnaansho ld qushaysnaan.
qushee Wax wasakh u yeelid.
qushqush (1) Calool xanuun ka dhasha cunto kala jaadjaad ah oo la cunay.
qushqush (2) Cunto kala jaadjaad ah calool xanuun ka qaadid.
qushqushid eeg qushqush².
qushuuc (1) ld khushuuc¹.
qushuuc (2) ld khushuuc².
qushuucid ld kushuucid.
qushuucsan ld khushuucsan.
qushuucsanaan ld khushuucsanaan.
qushuucsanaansho ld khushuucsanaan.
qusley Nooc ka mid ah sagaarada oo ku nool dhulalka buuraleyda ah.
qusur Q. ah: ceel, war, durdur iwm oo hoos u dheer; mool.
qusuusi Lataliyayaal. ld khuususi.
qutool Koor hal carrab leh. ld qudkool.
quud (1) 1. Cunto; cunno ; dheef. 2. Nooc geed; shillin; kulan; kedi.
quud (2) Isku jirka cunnooyin ee dadku cuno.
quudad ld quudasho.
quudasho eeg quudo. ld quudad.
<< < 79 80 81 82 83 84 85 86 > >>