Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: gawaani
juul (xis.) Summad J. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee hawsha iyo tamarta, waxana uu le'egyahay hawsha la qabtay, marka xoog hal niyuutan (n) ah dhaqaajiyo walax fogaan (s) hal mitir ah. Waxa loogu magac daray aqoonyankii (1818-18 89) ee Jaymis Biriskot Juul.
juuni ld jawaan.
juunyo Bisha lixaad ee sanadka masiixiga.
juuq (1) 1. Hadal yar oo kooban. 2. J. ha dhihin: ha hadlin.
juuq (2) Hadal yar oo kooban ku tiraabid.
juuqi Neef xoolo ah sabaalin.
juuqid eeg juuq².
juuqin eeg juuqi. ld juuqis.
juuqis ld juuqin.
juuqjuuq (1) 1. Hadal cilaaq ah oo dad dhex mara. 2. ld juuqjuuqid.
juuqjuuq (2) Cid la cilaaqtamid.
juuqjuuqid eeg juuqjuuq². ld juuqjuuq¹ (2).
juuri J. ah: maro aan qiime badan lahayn xag tayo.
k (ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf.
ka (1) bbane. ldkaaf. ka¹ mu.ti.l (kuwa, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ka yimid waa Cali”. ld kan(2).
ka (2) Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.
ka (3) Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raacaan magacyada kale ee labka ah. Tus. “ nin+ka->ninka, buug+ka->buugga”.
ka-faa'iideyste (daaw.) Jeermiyo ka-faa'iideysta xaalad bukaan oo difaaca jirku dhimmanyahay. Difaac la'aanta oo ay keeni karto: infekshin cudurro kale ama dawo jeermiyada ka-faa'iideystayaasha sida badan jirro uma keeni karaan qof caafimaad qaba.
ka-goys Ka-g. ah: weyl, nirig iwm oo naaska hooyadood ka go'ay.
kaa (1) ld kaas(1)
kaa (2) Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka labaad ee kelida ah. Tus. “Cali wargeyska ayuu iiga kaa qaatay”.
kaa (3) ld kaaga(2).
kaa (4) ld kaas(2).
kaab Wax xoojin.
kaabad 1. Dhismo yar oo dhulka ka kacsan. 2. Buundo.
kaabi 1. Kab yar oo falag ah oo derinta afka looga tolo. 2. (fk) Meel aad u dhaw. 3. (-iyo, m.dh) Qoryaha ceelka afka laga saaro midkood; raar; xakab.
kaabid eeg kaab.
kaabsol ld kaabsul.
kaabsul Xuub qira yar oo daawo buda ahi ku jirto oo afka laga qaato. ld kaabsol.
kaabul Qof ciidanka qalabka sida ka tirsan oo laba alif leh.
<< < 860 861 862 863 864 865 866 867 868 869 870 > >>