Ereyga Maanta: uugaamin
kaayaga (2) Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Dalkaayaga ayaa ka ballaaran dalkiinna”. ld kayaga2, kaayo², kayo².
kaaye Meerto; kal; miile.
kaayeysasho eeg kaayeyso. ld kaayeysi.
kaayeysi ld kaayeysasho.
kaayeyso Wax ku kaltamid.
kaayid eeg kaay², kay³.
kaayo (1) Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aysan ku jirin. Tus. “Waa isku kaayo mid”. ld kayo¹. .
kaayo (2) ld kaayaga².
kaaysasho eeg kaayso.
kaayso Wax meel ku qarsasho.
kab (1) 1. Qoryaha laf jabtay lagu xiro si ay isu qabsato. 2. In yar oo maro, bir, qoray ah oo wax jabay ama duleeshamay lagu awdo. 3. ld kabid.
kab (2) Jaamo harag, caag iwm ah oo inta laysku toltolo, cagaha la gashado. ld kob (4).
kab (3) Wax kala jabay ama kala go'ay kab ku xirid.
kabaab Hilib shiidan oo dhir lagu daray oo inta la kuuskuuso la shiilo.
kabaabyee Meel jirka ka mid ah dareenka ka qaadid.
kabaabyeyn eeg kabaabyee.
kabaabyeysan Wax kabaabyo hayso ahaansho.
kabaabyeysnaan eeg kabaabyeysan. ld kabaabyeysnaansho.
kabaabyeysnaansho ld kabaabyeys-naan.
kabaabyo 1. Dareen beelidda ku dhacda meel jirka ka mid ah. 2. Daawo la qaato oo jirka ka lumisa dareenka.
kabaabyoo Kabaa-byo dareemid.
kabaabyood eeg kabaabyoo.
kabaal 1. Summad geela lagu dhigto oo ah udub kor u jeeda oo meela kala duwan lagu dhigo; udub. 2. Kal xoog leh oo awrta marka la dhaaminayo la isticmaalo.
kabaay Xirmo hal ah oo hal mar qof qaado.
kabacad Dhallinyaro rag iyo dumarba leh oo tumasho u banbaxday.
kabacaddayn eeg kabacaddee.
kabacaddee Tumasho u go'doomid.
kabadhige Qori jilicsan oo kabaha marka la tolayo hoos looga dhigo.
kabajaa Xasharaadka duula nooc ka mid ah oo ayaxa isku bahyihiin. ld kabajaan, kobojaa.
kabajaan ld kabajaa.
<< < 866 867 868 869 870 871 872 873 874 875 876 > >>