gungaar1 ld gungaarid. gungaar2 Ka g.: wax ka jibakeenid; ka salgaarid. gungaarid eeg gungaar². ld gungaar¹.
gungume ld guggume.
gungunnaf Oraho ama falal cid sameyso oo keeni kara iska hor imaad.
gunjis (muus.) Durbaan yar oo u eg midka la yiraahdo mokhoddon, waxaana loo adeegsadaa ciyaarta aw-daare.
gunnad Weel yar oo caw, dun iwm ka samaysan oo leh midabyo badan iyo aabbur waxyaabaha udgoon oo la shito lagu rito.
gunnee 1. Cid gunno siin. 2. Caano sanka u saarid sac aan godlanayn oo la doonayo in la liso.
gunneyn eeg gunnee. ld gunneys.
gunneys ld gunnayn.
gunnimo Gun ahaansho.
gunno 1. Lacag la siiyo cid shaqo dheeraad ah qabatay. 2. Hanti yar oo cid loogu naxariisto ama lagu laaluusho. ld guno.
guno ld gunno.
gunray ld gunre.
gunre Geedquwaax qodax iyo xabag leh oo ka mid ah dhirta dawada. ld gumre, gunray, gunro.
gunro ld gunre.
gunrog1 G. ah: wadaan, jawaan iwm oo gudihiisa kor la mariyay. gunrog2 Wadaan, jawaan, iwm gudihiisa kor soo marin. gunrogan Wax la gunrogey ahaansho.
gunrogid eeg gunrog².
gunrognaan eeg gunrogan. ld gunrognaansho.
gunrognaansho ld gunrognaan.
guntamid eeg guntan¹.
guntan1 1. Xarig iwm wax la guntay noqosho. 2. Dhiig iwm wax fariistay noqosho. guntan2 1. (f.g) Wax qaarka dambe maro uga xiran ahaansho. 2 (f.mg) Xarig iwm wax guntin leh ahaansho. 3. (f.mg) Dhiig iwm wax fadhiya ahaansho. guntanaan eeg guntan. ld guntanaansho.
guntanaansho ld guntanaan.
guntane Bayd faal oo manjaha ka ah labo, saddexda hogood oo kalana min hal.
guntasho eeg gunto.
gunti1 1. Marada raggu hoos ka qaato labadeeda duub oo yaryar oo ay ku leedahay la simaadka labada fiiq oo miskaha. 2. Hab go'yaasha dharka raggu u xirto.
page : 93 of 102
<< < 88 89 90 91 92 93 94 95 96 97 98 > >>