Ereyga Maanta: fidmawade
majiir (2) 1. Dib u celinta wax ama arrin soconayey gadaal loo celiyo. 2. (-rro, dh.) Suunka dhanka hoose ee kooraha ka lusha oo caloosha faraska looga xiro.
majiir (3) 1. Wax jahada uu u socday ka weecin. 2. Maro qoyan majuujin si biyuhu ugu daataan. 3. Is m.: wax socda dhankii uu ka yimid isla markiiba ku noqosho. 4. Isku m.: meel ciriiri ah xoog ku dhexmarid.
majiirad ld majiirasho.
majiirasho eeg majiiro. ld majiirad.
majiire-dayaxeed durugsan (c.fal.) Barta ugu fog ee uu maro meere (gaar ahaan dayaxa) marka loo eego dhulka.
majiire-qorraxeed durugsan (c.fal.) Barta ugu fog ee uu maro meere marka loo eego qorraxda. Marka uu dhulka ugu fogyahay wuxuu qorraxda u jiraa 94.5 milyan oo mayl.
majiirid eeg majiir³. ld majiir¹.
majiiro Calool xanuun dartii la rogrogmasho. Tus. “Caloosha baa i majiiranaysa”.
majiirsii Wax meel ciriiri ah xoog ku dhex marsiin.
majiirsiin eeg majiirsii.
majimow ld majin¹.
majin (1) Xanuun cunaha ku dhaca oo qof liqitaanka ku dhiba cunahana barariya mararka qaarkood. ld majinow, majimow.
majin (2) 1. Xubin ka mid ah addimada xoolaha oo u dhexeysa jilibka iyo qoobka. 2. Xirmooyin yaryar oo loo qeybshay marduuf qaad ah middood. 3. Xiddig naafaha ka mid ah oo u dhexeysa afqaysta iyo koxdinta. ld mijin.
majinow ld majin¹.
majlis 1. Meel fadhi wanaagsan leh oo la iskugu yimaado. 2. Shir wax lagu go'aaniyo.
majnuun Qof waalan.
majoqaris Biyo aan qof liqi karin.
majuuji Maro qoyan, liin iwm xoog u maroojin si hooraha ku jiro looga saaro.
majuujin eeg majuuji. ld majuujis, majuujo.
majuujis ld majuujin.
majuujisasho eeg majuujiso.
majuujiso Maro iwm oo qoyan maroojin si biyaha looga saaro.
majuujo ld majuujin.
majuusi (dii.) Dadka dabka caabuda.
makaab (1) Qoryo ama tiirar afka laga saaro ceelasha, si ay u sahlanaato shubiddooda; xakab.
makaab (2) Ceel makaab afka ka saarid.
makaaban Wax makaab afka laga saray ahaansho (ceel).
makaabi Ceel makaab u yeelid.
makaabid eeg makaab².
makaabin eeg makaabi. ld makaabis.
<< < 1008 1009 1010 1011 1012 1013 1014 1015 1016 1017 1018 > >>

