maqnaansho eeg maqnow. ld maqnaan.
maqnaddiis 1. Maaddo dhulka oogadiisa iyo gudahiisa laga helo oo awood u leh soo jiidashada biraha. 2. Xoog wax soo jiita.
maqnow 1. Qof aan joogin noqosho. 2. Qof maahsan noqosho.
maqoor ld moqor.
maqoorad (1) ld maqooradid.
maqoorad (2) Wax maamulasho.
maqooradasho eeg maqoorado.
maqooradid eeg maqoorad². ld maqoorad¹.
maqoorado Wax maammuulasho (arrin, xafiis, guri iwm).
maqoorasho eeg maqooro. ld maqoorasasho.
maqooro ld moqorso.
maqrib 1. Galabnimada marka qorraxdu dhacdo. 2. (dii.) Salaadda la dukado marka qorraxdu dhacdo. ld makhrib.
maqsin 1. Baqaar. 2. Qol. ld makhsin.
maqsinka dawada (maqaasiin ..., m.l) (daaw.) Meel dawooyin takhtar soo qoro lagu diyaariyo oo lagu siiyo bukaannada sida badan waxay ka mid tahay qaybta bukaansocod-eektaada ee isbiitaal leeyahay.
maqsuud (1) M. ah: qof wuxuu rabo haysta. ld mabsuud¹.
maqsuud (2) Qof raalli noqosho. ld mabsuud².
maqsuudi Cid maqsuud ka dhigid. ld mabsuudi.
maqsuudid eeg maqsuud². ld mabsuudid.
maqsuudin eeg maqsuudi. ld mabsuudin.
maquuni ld muquuni.
maquunin ld muquunin.
maquuno ld muquuno.
maquunsad ld muquunsasho.
maquunsasho ld muquunsasho.
maquunso ld muquunso.
maquur (1) ld maquurid.
maquur (2) Biyo hoos u gelid. ld makhuur², mukhuur², muquur².
maquuri Cid biyo hoos ugu riixid. ld makhuuri, mukhuuri, muquuri.
maquurid eeg maquur². ld makhuur¹, makhuurid, maquur¹, mukhuur¹, mukhuur.
maquurin eeg maquuri. ld makhuurin, mukhuurin, muquurin.
<< < 1022 1023 1024 1025 1026 1027 1028 1029 1030 1031 1032 > >>