Ereyga Maanta: dhabataysi
naxwe 1. Laan cilmi afeedka ka mid ah oo lagu barto weereynta, dhismaha ereyada iyo codeynta. 2. Hadal si wanaagsan u dhisan oo murti iyo macno leh. 3. Buug xeerarka naxwaha ka hadlaya.
nayaayiraysan Wax nayaayiro hayso ahaansho. ld nayaayirsan.
nayaayiraysnaan eeg nayaayiraysan. ld nayaayirsanaan, nayaayirsanaansho, nayaayiraysnaan.
nayaayiraysnaansho ld nayaayiraysnaan.
nayaayiro 1. Dareen farxad leh oo qofka ku dhaliya furfurnaan dheeraad ah. 2. Rajo.
nayaayiroo Nayaayiro dareemid.
nayaayirood eeg nayaayiroo.
nayaayirsan ld nayaayiraysan.
nayaayirsanaan ld nayaayiraysnaan.
nayaayirsanaansho ld nayaayiraysnaan.
nayaayiso Rajo.
nayl (1) Maqasha idaha keeda lab.
nayl (2) Maqasha idaha keeda dheddig.
naylakobcis Geed yar oo meelaha sallaxyada ah ka baxa oo leh laamo yaryar oo jiljilicsan oo si gaar ah isugu dhafma ilaa uu yeesho qaab dhulmaneed oo iduhu aad u jecelyihiin.
naylaqaad 1. Shimbir ay gallayrka isku bah yihiin kana yara weyn oo waxaraha yar-yar cuna; baqalyo. 2. N. ah: dayax afar iyo tobnaad ah oo aad u iftiin badan.
naylduur Nooc shimbiraha ka mid ah oo dhoor leh.
nayloon ld layloon.
naynaas (1) ld naanays¹.
naynaas (2) ld naanays³.
naynaasan Qof ceeb ku tilmaaman ahaansho. ld naanaysan.
naynaasid ld naanaysid.
naynaasnaan eeg naynaasan. ld naanaysnaan, naanaysnaansho, naynaasnaansho.
naynaasnaansho ld naynaasnaan.
naytareyd (kiim.) Cusbada ama istarka natarik asiidh.
naytarojiin 1. (kiim.) Curiyaha ugu horreeya ururka V ee tusaha kalgalka curiyayaasha; curiye elektaroon jiidasho badan,una jira isagoo molikiyuullo laba atamle ah (N )oo neef ah. Naytarojiinta hawada ku jirtaa waa 78 % mug ahaan. Naytarojiin waxa ay samaysaa ogsaydho ay ka mid yihiin laba-naytarojiin hal-ogsaydh. Naytaras ogsaydh (N O) oo ah ogsaydh dhexdhexaad ah; iyo natarojiin laba-ogsaydh (NO) oo soo saarta iskujir ka kooban naytaras asiidh iyo naytarik asiidh marka biyo lagu daro. 2. (kiim.) Neefta ugu badan gibilka, oo mug ahaan buuxisa 78% ee hawada engegan; neeftani kiimika ahaan ma firfircoona, waxay tartaa inay misho ogsajiinta.
nebcaan eeg neceb. ld nebcaansho, necbaan, necbaansho.
nebcaansho ld nebcaan.
nebcaysasho eeg nebcayso. ld nebcoobid, necbaysasho, necboobid.
nebcayso Cid niyadda ka nicid. ld necbayso.
nebcow ld necbow.
<< < 1128 1129 1130 1131 1132 1133 1134 1135 1136 1137 1138 > >>