Ereyga Maanta: faajafaajo
qabato Qalab sida manqaska laba birood oo isweydaar ah ama hal bir oo la isku soo laabay ka samaysan oo waxyaalaha aadka u kulul lagu qabto.
qabatoomid eeg qabatoon².
qabatoon (1) 1. Cudur qabatiin leh oo soo noqnoqda. 2. Muddo dheer oo la qado dhibaatada ka timaadda.
qabatoon (2) 1. Cudur qabatiin leh oo soo noqnoqda dareemid. 2. Cunto iyo cabbid muddo dheer laga raagay darteed dhibaato badan dareemid.
qabax Dhigaha waaweyn ee aqalka miyiga.
qabay Weelka qabada laga sameeyo.
qabayaro Qabo silloon oo qodxo yaryar leh iyo dhacaan cad oo caanaha u eg oo haddii ay dadka afka iyo indhaha ka gaaraan guba.
qabbaan (1) 1. Qof qof kale u adeega; midiidin. 2. Miisaan weyn oo waxyaabaha culus lagu miisaamo.
qabbaan (2) Qof qof kale u adeega, midiidin (naag).
qabbaan (3) U q.: cid u adeegid.
qabbaanid eeg qabbaan³.
qabbaansad ld qabaansasho.
qabbaansasho eeg qabbaanso. ld qabbaansad, qabbaansi.
qabbaansi ld qabbaansasho.
qabbaanso Cid qabbaan ka dhigasho.
qabbil Yeelid; maqlid; oggolaan; aqbalid.
qabbilid eeg qabbil.
qabbir (1) Isu dhoweynta lugaha awr la dabrayo aad la isugu dhaweeyo. ld qabbirid.
qabbir (2) Rati dabar si aad ah ugu dhuujin si uusan u fogaan.
qabbiran Rati wax la qabbiray ahaansho.
qabbirasho eeg qabbiro.
qabbirid eeg qabbir². ld qabbir¹.
qabbirnaan eeg qabbiran. ld qabbirnaansho.
qabbirnaansho ld qabbirnaan.
qabbiro Awr si qabbir ah u xirasho.
qabco ld abqo.
qabdhan Marka xooluhu biyo aysan ka dhergin cabbaan.
qabee ld qubee.
qabeyn ld qubeyn.
qabeys ld qubeys.
<< < 1162 1163 1164 1165 1166 1167 1168 1169 1170 1171 1172 > >>

