Ereyga Maanta: dabakannaaxid
qiiroo Qiiro dareemid.
qiirood eeg qiiroo.
qiixdheer Cudur badanaa carruurta ku dhaca oo leh qufac, neefraac iyo matag.
qilqiil Xaalad adag ama halis ah oo lagu sugnaado.
qindi Qalab dibida lagu xiro oo beerta lagu falo.
qir Arrin doodi ka taagneyd caddeyn.
qiraal Caddeynta la isku caddeeyo arrin doodi ka taagnayd eeddeeda.
qirasho eeg qiro².
qirayn eeg qiree. ld qarayn.
qirdaas ld qardaas.
qiree Wax qiro u yeelid. ld qaree.
qirid eeg qir.
qirinqiir ld qiiraqiiro.
qiro (1) Inta xalleefsanaanta ballaarku le'egyahay; dhumuc; baaxad. ld qaro.
qiro (2) Qof fal in uu sameeyey caddeyn.
qirsan Qof fal uu sameeyey qiray ahaansho.
qirsanaan eeg qirsan. ld qirsanaansho.
qirsanaansho ld qirsanaan.
qisaas (1) Dilka sharci ahaan loo dilo qof qof kale dilay.
qisaas (2) Qof, qof kale dilay si sharci ah u dilid.
qisaasan Qof qisaas loo haysto ahaansho.
qisaasid eeg qisaas².
qisaasnaan eeg qisaasan. ld qisaasnaansho.
qisaasnaansho ld qisaasnaan.
qisayn eeg qisee. ld qisood.
qisee 1. Ka q.: sheeko cid ama arrin ku saabsan cid u sheegid. 2. U q.: cid u skeekayn.
qish (1) Si tuugannimo ah oo imtixaan looga shaqeeyo. ld qishid.
qish (2) Imtixaan si tuugannimo ah uga shaqayn.
qishid eeg qish². ld qish¹.
qiso 1. Sheeko; taariikh. 2. Wax dhacay; war.
<< < 1209 1210 1211 1212 1213 1214 1215 1216 1217 1218 1219 > >>