Ereyga Maanta: qooshid
baylid eeg bayl².
baylihi Hanti baylah ka dhigid. ld baylehee.
baylihin eeg baylihi. ld baylahayn.
baylin eeg bayli. ld baylis.
baylis ld baylin.
baylohoobid eeg baylohow.
baylohow Wax baylah ah noqosho (hanti).
baynibax (1) Kibir badan.
baynibax (2) Aad u kibrid ((qof).
baynibixi Qof aad u kibirin.
baynibixid eeg baynibax².
baynibixin eeg baynibixi. ld baynibixis.
baynibixis ld baynibixin.
bayoolajiga moolikiyuullada (baay.) Barashada dhismaha iyo shaqada moolikiyuullada waaweyn ee noolaha, gaar ahan borotiinnada iyo asiidh bu'eedyada RNA iyo NA.
bayooloji Barashada noolaha, kaas oo ay ka mid yihiin dhismahooda (gudaha iyo dibadda), shaqadooda, isirkooda iyo tadawurkooda, abla'ablayntooda, xidhiidhka iyaga ka dhexeeyo iyo filiqsanaantooda.
bayr (1) 1. Nuxurka hadal, dood iwm ku saleysanyahay. 2. ld bayrid.
bayr (2) Iin maanka iyo muruqyada nafleyda ku dhaca oo keenta in laga dido ama laga boodo wax aan la hubsan; salaaf; biinan.
bayr (3) Wax toos u socda dhan u weecasho.
bayrabayre Qaruhu marka uusan biseyl gaarin dubayana ka tago; lafaweyne. ld baybayle.
bayrac (c.nafl.) Ugaar deerada la bah ah oo dhega balballaaran iyo midab ciiro ah leh oo dhulka dullada ah ku nool.
bayraq Calan; bandiirad.
bayrbayr (1) ld bayrbayrid.
bayrbayr (2) Socod aan toosnay samayn.
bayrbayriyid eeg bayrbayr². ld bayrbayr¹.
bayri Wax toos u socday, dhinac u weecin.
bayrid eeg bayr³. ld bayr¹ (2).
bayrin eeg bayri.
baysadhabad ld baysadhabasho.
baysadhabasho eeg baysadhabo. ld baysadhabad.
baysadhabo Socod cabsi ku jirto socosho.
<< < 122 123 124 125 126 127 128 129 130 131 132 > >>