Ereyga Maanta: tuux
saliideys ld saliideyn.
saliifad Weel yar oo qori ah oo biyaha looga dhuro.
saliilyo Dareen jiriirico leh oo jirka ku fida marka ilkaha ciid iwm gaaraan.
saliilyoo Saliilyo dareemid.
saliilyood eeg saliilyoo.
saliim-bibanji Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac saddex dhibcood ku leh, dhinaca kalena shan. ld banji-bisaliim, biish-bisaliim, saliim-bibiish.
saliim-bibiish ld saliim-bibanji.
saliim-bicaddaan ld cad-daan-bisaliim.
saliim-biddooh ld dooh-bisaliim.
saliim-bijoohaar Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac saddex dhibcood ku leh, dhinaca kalena afar. ld joohaar-bisaliim.
saliim-bishiish Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac saddex dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. ld shiish-bisaliim.
saliim-biyeeg ld yeeg-bisaliim.
saliimad Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min saddex dhibcood ku leh.
saljigle ld barijugle.
saljugle Salka oo loo dhaco.
sallaaddo Waran yar oo lagu dagaalo.
sallaan Jaranjaro.
sallaatulqasri ld salaatulqasri.
sallad (1) S. ah: qof dhibaatadiisu joogto tahay.
sallad (2) 1. Ul dhumuc weyn oo warmaha lagula dagaallamo. 2. ld selled. Dambiil yar.
sallad (3) Ku s.: cid wax dhiba ku dirid. ld sallid³.
salladan Ku s.: wax, wax kale dhibaato joogto ah ku sameeya ahaansho. ld sallidan.
salladid eeg sallad³. ld sallidid.
salladnaan eeg salladan. ld salad-naansho.
salladnaansho ld salladnaan.
sallax (1) Dhagax fidsan oo siib ah.
sallax (2) Wax sidii la rabay u diyaarin si hawl loogu qabsado.
sallax-barafeed (juqr.) Cuf ballaaran oo baraf ah oo daboola dhulal ballaaran ee ku dhaca cirifyada; sallaxa barafka dushiisu sida badan waa simanyahay. Baraf gogollada Giriinland iyo Antaartika waa kuwa keliya o waaweyn oo imminka jira.
sallaxaad 1. (-dyo, m.l) Diyaarinta wax sidii la rabay loo diyaariyo si hawl loogu qabsado. 2. ld sallixid.
salleelli 1. Qof nacas ah oo aad u garasho yar naacoo. 2. S. ah: wan ama orgi la xiniinyo baxshay ama la tumay.
<< < 1301 1302 1303 1304 1305 1306 1307 1308 1309 1310 1311 > >>