Ereyga Maanta: jacbursi
samafal (2) Qofka u shaqeeya daryeelka beenii-aadamka dartiisa, yareeya waxyeelayntiisa, dib u habeeya sharciyada ku saabsan ciqaabta.
samafal (3) Taageero iyo wanaag cid u samayn.
samafale Qof wax wanaagsan sameeya.
samafalid eeg samafal³.
samalaha 1. Xilliga xagaaga waqti roobab badani ka da'aan Galbeed (Karan). 2. Xilli roobaad. ld samaloho.
samaloho ld samalaha.
saman Waa, jeer, goor. ld saben, semen.
samar ld sabar².
samatabbax (1) Ka nabad gelidda halis iyo cabsi laga nabad galo. ld sabatabbax¹.
samatabbax (2) 1. Wax halis ah ka nabad gelin. 2. Wax halis ah ka nabad gelid. ld sabatabbax².
samatabbixi Cid halis ah ka badbaadin. ld sabatabbixi.
samatabbixid eeg samatabbax². ld sabatabbixid.
samatabbixin eeg samatabbixi. ld sabatabixin.
samawade Qof wanaagga iyo samaanta jecel oo bulshada dhexdeeda ku baahiya.
samay ld samayo.
samayn (1) eeg samee. ld samays.
samayn (2) (kiim.) Macmalid: diyaarinta iskudhisyo kiimikaad iyaga oo laga ambaqaadayo iskudhisyo fudud.
samayo 1. Usha waranka. 2. Ul dheer oo toosan. ld samay.
samays 1. Nooc dermooyin-ka ka mid ah. 2. ld samayn¹.
samaysad ld samaysasho.
samaysan (1) Wax la sameeyey noqosho.
samaysan (2) Wax la sameeyey ahaansho.
samaysanka dhiska jidhka (baay.) Horumar ku yimaadda koritaanka ama saamiyeynta qaabka iyo dhismaha noolaha.
samaysasho eeg samayso. ld samaysad.
samaysmid eeg samaysan¹.
samaysnaan eeg samaysan². ld samays-naansho.
samaysnaansho ld samaysnaan.
samayso Wax hagaagsasho.
sambab (1) 1. (-bbo, m.dh) Xubinta jirka ka mid ah oo neefta gesho kana soo baxdo. 2. Cudur xun oo sambabada ku dhaca (xoolaha). ld sanbab.
sambab (2) (c.nafl.) Xubimta neefsashada ee lafdhabarleyda hawada ku neefsata. Lammaane sambab ah ayey ku leeyihiin saabka qafiska feedhaha dhexdooda. Mid kasta waxa uu ka kooban-yahay xuub yar oo qoyan kaas oo u laa-laaban si uu u kordhiyo bedka dusha.
<< < 1304 1305 1306 1307 1308 1309 1310 1311 1312 1313 1314 > >>