Ereyga Maanta: faajafaajo
berdedsan ld bardadsan.
berdedsanaan ld bardadsanaan.
berdedsanaansho ld bardadsanaan.
beretami ld bedertami.
beretamid ld bedertamid.
beretamin ld bedertamin.
beretan (1) ld bedertan¹.
beretan (2) ld bedertan².
beretansii ld bedertami.
beretansiin ld bedertamin.
beretansiis ld bedertamin.
beri (1) 1. Waqti aan xaddidnayn ee la soo dhaafay; waa; jeer; seben. 2.(-iyo m.dh) Dharaar iyo habeenkeeda. 3. B.ga: maanta.
beri (2) Maalin bilaabasho, waagii baa bariyay.
beriberi (daaw.) Cudur ka yimaada cunnoxumo gaar ahaan fiitamiin B1 la'aan. Waxuu ku badanyahay dadka badsada cunidda badarka ama bariiska la tumay. Kaasoo xuubka laga qaaday, xuubka waxa ku badan fiitamiin B1.
beridhax Baryidda habeen meel la baryo. ld beridhaxmo (2).
beridhaxmo 1. Sahay ku filan hal beri oo safar ah. 2. ld beridhax.
berisabool Xilli ay dhibaato badan jirto.
berisamaad Waqti barwaaqo badan oo aan dhibaato jirin.
beritalsis (daaw.) Dhaqdhaqaaq mawjadda oo kale ah oo ku socda xubnaha qaarkood ee jirka kuma xirna rabista qofka, wuxuuna caan ku yahay xubnaha ka sameysan muruq wareegsan iyo muruq dherer u dhigan - sida: xiidmaha.
beriyid eeg beri².
berkad ld berked.
berked Meel loo dhisay in ay biyo galaan oo lagu kaydsado.².
berkeg (1) ld bardad¹.
berkeg (2) ld bardad².
berkegid ld bardadid.
berkegsan ld bardadsan.
berkegsanaan ld bardadsanaan.
berkegsanaansho ld bardadsanaan.
berri (1) ld birri.
berri (2) 1. ld berrito. Maalinta maanta iyo saaddambe u dhexeysa. 2. B. dambe: maalinta b. xigta, saaddambe.
<< < 133 134 135 136 137 138 139 140 141 142 143 > >>