Ereyga Maanta: galabdheer
sufiih ld safiih.
sufiihi ld safiih.
sufriyad ld sufriye.
sufriye Weel macdan ka samaysan, af ballaaran leh oo cuntada lagu karsado; digsi. ld surfiyo, sufriyad, sufriye, sufriyo.
sufriyo ld surfiyo.
suful 1. ld sufur 2. Habaas yar oo dabayshu kiciso. 2. Meel abaar ah. 3. Hoog; belo. ld sufuul, suluf.
sufur (1) 1. Tiro xisaabeed marka ay keligeed tahay aan micno lahayn, laakiin marka ay midigta ka raacdo tiro kale ku dhufata toban; Eber. 2. Maar. 3. (-rro, m.dh) Koob macdan ka samaysan.
sufur (2) ld suful (1).
sufuul ld suful.
sųg Wax imaatinkooda dhawrid.
sug (1) Yaraan; guridambays; cirrannuug.
sug (2) Wax xaqiiqdooda helid.
sugaal Sųgidda.
sugan Aan ku xidhnayn, kana xor ah dhammaan astaamaha ku xeeran.
suge (xis.) Fansaar laga soo diray taxane labajibbaarane ah iyada oo la isku dhufto la isuna geeyo dhammaan kutirsaneyaasha si loo helo hal tiro oo keliya.
sugid eeg sug². ld sugitaan, sugniin.
sugid (1) eeg sug. ld sugitaan, sugniin.
sugitaan ld sugid.
sugitaan (1) ld sugid.
sugnaan eeg sugan. ld sugnaansho.
sugnaansho ld sugnaan.
sugniin ld sugid.
sugniin (1) ld sugid.
sugukuun Wax tiradoodu aad u yartahay ama dhiciddoodu adagtahay; wax lagu diimo; dhif.
sugul S. ah: midab aad u madow.
sujuud (1) Weji dhul dhigidda la sameeyo iyadoo Ilaah la caabudayo.
sujuud (2) Iyadoo Ilaah la caabudayo wejiga dhulka saarid.
sujuudid eeg sujuud².
suke 1. Wax aan wax kale wehelin oo keligood ah. 2. Warqad turub oo nooceeda keligeed laga hayo. ld soke².
sukee Kali ka dhigid.
<< < 1384 1385 1386 1387 1388 1389 1390 1391 1392 1393 1394 > >>