Ereyga Maanta: xilqaan
tamiin (2) Tiro isdhaaf ah oo loo istic-maalo faalka.
tamiino ld tabiino.
tamin ld tamiin¹.
tammadi Qof ama wax kale oo astaamo ama tilmaamo gaar ah leh, calaamaysasho, soo aadid, ku soo aroorid, u qasdid; ku hirasho; abbaarid.
tammadin eeg tammadi.
tammiin ld tabiino.
tammiino ld tabiino.
tammin (1) ld temmin¹.
tammin (2) ld temmin².
tamminid ld temminid.
tammooti Neef aan fayoobeen oo cudur dhimanaya oo la qasho.
tammuujad Bastoolad.
tamuumid eeg tamuun.
tamuun Meel abbaarid.
tamuunsii Cid meel ku toosin.
tamuunsiin eeg tamuunsii.
tamuux Carro shawle ah oo aan habaas lahayn sida tan xeebta; xaano; xaani.
tan (1) 1. Culays dhan 1000 kg. 2. Mug.
tan (2) (kuwan, w) Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka ha-dlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “Tan meesha fadhidaa waa walaashay”.
tan (3) Dibkabe tilmaame oo magac dheddig dib looga qodbo oo wax qofka hadlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tus. “Tintan tayda ma aha”.
tan (4) Ilaa; T. ama taniyo: mar laga bilaabo; jeer laga gaaro. Tus. “Tan iyo intii uu halkaan yimid wuu bukay”.
tanaad (1) Qof hanti badan leh.
tanaad (2) Qof hanti badan yeelasho.
tanaadi Cid tanaad ka dhigid.
tanaadid eeg tanaad².
tanaadin eeg tanaadi.
tanaasul Ka t.: cid arrin ay damacsanayd dib uga noqosho.
tanaasulid eeg tanaasul.
taniyo Ilaa; tan³.
tanjent 1. (xis.) Fansaar tirignoometari ee xagal. Tanjentka xagasha + e saddexagal qumman waa saamiga ay sammeeyaan dhererrada dhinaca horjeedaha ah iyo kan deriska la ah xagasha. Qeexdani waxa lagu dabbaqaa xaglaha u dhexeya 0 iyo 90° oo keliya. 2. (xis.) Guud ahaan, mark a laga hadlaayo kulannada kaartis oo unuygu yahay o, tanjentku waa xagasha u dhexeey-sa dhidibka-x iyo xarriiqda oB oo ay sammeeyaan kulanka-x iyo kulanka-y ee barta B (x,y).
<< < 1415 1416 1417 1418 1419 1420 1421 1422 1423 1424 1425 > >>