yalanyalxood eeg yalanyalxoo.
yalax Y. ah: timo aad u jilicsan. ld ya-leex (2).
yaleex 1. Dabayl ka kacda miyiga oo cabsigelisa qofka keligiisa socda. 2. ld yalax. Timo dad oo aad u jilicsan, sida yixda.
Yallah hayahee! bax!, tag!, kac!, hus!, yur! ld kis.
yamaan Qamaan.
yamaarug (bot.) Geed yar oo gaxandhada u eg.
yamays (bot.) Dhul weyn oo wareegsan oo go'ay oo salkiisu fogyahay oo inta badan biyo galaan, sida kan Gaalkacyo ku yaal.
yamxeeri Qof xaaladdiisa dhaqaale oo wanaagsan ka been sheegid; wax badan ka dayrin.
yamxeerin eeg yamxeeri. ld yamxeero.
yamxeero ld yamxeerin.
yamyam 1. Y. ah: qof hadal badan. 2. Askar ku hadli jirtay afka sawaaxiliga oo ingiriisku ka keenay bariga Afrika.
yaqfo Ilko.
yaqiin War iwm oo dhabnimadiisa la hubo; xaqiiq.
yaqiinsasho eeg yaqiinso. ld yaqiinsi.
yaqiinsi ld yaqiinsasho.
yaqiinso War iwm dhabnimadiisa hubsasho.
yaqyaqsasho eeg yaqyaqso. ld yaqyaqsi, yaqyaqsood.
yaqyaqsi ld yaqyaqsasho.
yaqyaqsii Ka y.: cid yaqyaqsi ku dhalin.
yaqyaqsiin eeg yaqyaqsii.
yaqyaqso Qof yaqyaqsi dareemid. ld yaqyaqsoo.
yaqyaqsoo ld yaqyaqso.
yaqyaqsood ld yaqyaqsasho.
yar1 Wiil da' yar. yar2 Gabar da'yar. yar3 1. Wax da'diisu yartahay ahaansho. 2. Wax tiradoo-da ama cabbirkoodu uusan badnayn ahaan-sho. yaraan1 Carruur hooyo wada dhashay midka ugu dhalasho dambeeya; guradambeys. yaraan2 eeg yar³. ld yaraansho. yaraansho eeg yarow. ld yaraan².
yarad Hanti la siiyo qoys ama qof laga guursaday gabar ama haweenay.
page : 1577 of 1584
<< < 1572 1573 1574 1575 1576 1577 1578 1579 1580 1581 1582 > >>