yarayn1 eeg yaree. ld yarays, yaraysiin. yarayn2 (kiim.) Ogsijiin kasaaridda ama haydarojiin kudaridda loo geysto iskudhis. Guud ahaan, waxa la odhan karaa atam, molikuyuul ama ayoon wuu yaraaday ama yarayn baa ku dhacday marka uu helo elektaroono. yarays ld yarayn¹.
yaraysad ld yaraysasho.
yaraysasho eeg yarayso. ld yaraysad, yaraysi.
yaraysi ld yaraysasho.
yaraysii ld yaree.
yaraysiin ld yarayn¹.
yarayso 1. Qof fal sa-mayntiisa sahlasho. 2. Qof wax ku weyn wax yar ka dhigasho. 3. Qof, cid wax liita ka dhigasho.
yare Xoogaa, in yar. Tus. “Wuu yare daalanyahay”. ld yarehe.
yaree 1. Qof fal samayntiisa dhimid. 2. Qof wax weyn ama tiradoodu badantahay wax yar ka dhigid. ld yareysii.
yarehe ld yare.
yariis1 Y. ah: nin bar yar. yariis2 Y. ah: haweeney bar yar. yaris 1. Ugaarta qaybteeda yaryar sida calakudda, sagaarada iwm. 2. Cawska jaad ka mid ah.
yarow Wax yaraaday noqosho.
yaryarayn eeg yaryaree.
yaryaraysasho eeg yaryarayso.
yaryaree Yaryar ka dhigid; jarjarid; dhuudhuubid.
yaryareyso Wax isticmaal-kooda dhaqaalaysasho.
yaryaro Jaad cawska xooluhu daaqaan ka mid ah.
yas Cid wax liita ka dhigid.
yasid eeg yas.
yasir U y.: cid wax qabsoo-middiisa u sahlid.
yasirid eeg yasir.
yatiin Carruur yaryar oo aabahood dhintay; agoon.
yaw Y. ah: qof damac iyo hunguri badan leh oo bulshada dhexdeeda aan qiimo ku lahayn.
yawyab1 1. Baryo foolxun oo qof baryayo laga aamusi waayo oo faraqa lagu dhego. 2. Buuq carruur. yawyab2 1. Ku y.: si aad ah cid wax uga baryid. 2. Ku y.: nafley buuq samayn. yawyabid eeg yawyab².
page : 1578 of 1584
<< < 1573 1574 1575 1576 1577 1578 1579 1580 1581 1582 1583 > >>