yeey ld yey.
yerid 1. ld yirid. Cudur ku dhaca ilkaha oo cirridka waxyeela. 2. Y. ah: nin doob ah.
yeris 1. Ugaarta inteeda yaryar. 2. Caws-ka jaad ka mid ah.
yersin Ugaarsadaha soo qumiya dagiiranka.
yey (c.nafl.) Bahal dugaagga ka mid ah oo eeyga u eg, arigana aad u laysa; uubato; uu'leey. ld yeey.
yib1 Cayaar fadhiga lagu dheelo, shan iyo labaatan hogood leh, si afar gees ah dhulka loogu calaamadiyo, oo ay dheelaan laba qof oo kiiba yeesho laba iyo toban dhagax oo isku midab ah, waxaana loo cayaaraa habka daamada loo dheelo. yib2 Yib cayaarid. yibal Darxumo ka muuqata xoolo caato ah marka ay biyo cabbaan ee ay baad waayaan.
yibid eeg yib².
yibir1 Qof ka tirsan beesha loo yaqaano Yibro. yibir2 Haweenay aad u hunguri xun. yibirnimo Yibir ahaansho.
yiblasho eeg yiblo.
yiblo Wax yibal hayo noqosho.
yicib Gudda miro ka baxa oo qolof iyo labo qalbac oo beer ah leh oo la cuno, aadna u nuxrur badan. ld jicib.
yicibciye Nooc ka mid ah dhirta faalasha oo geelu aad u daaqo.
yiciis Dad tabartoodu liidato saboolna ah.
yicis 1. Carruur yaryar oo tabar daran nafaqo darro awgeed. 2. Carruur yaryar oo hooyadood dhimatay.
yicisnimo Wax yicis ah ahaansho (carruur).
yididdiilo Rajo; himilo. ld hididdiilo.
yir Wax yar oo adag oo ku go'an ibta neefka guran.
yirid (daaw.) Halaamacoodka cirridka oo ay keento huuro ilkaha iyo cirridka meesha ay iska galaan fariisata. Cirridku wuu bararaa si sahlanna dhiig ayaa uga yimaada. ld yerid (1).
yix Timaha hore oo yaleexa ah oo carruurta la dhashaan.
yohoomid eeg yohoon².
yohoon1 Y. ah: gaadiidka badda oo shiraaca leh, kolkay u socdaan docda urtu u socoto oo ay dheerayna hayaan. yohoon2 1. Socod aan joogsi lahayn socosho. 2. Gaadiid badeed dabayl gadaal uga timid si fiican ugu socosho. 3. Iyada oo aan rajo laga qabin in la soo noqdo meel ka tegid. yohoonsan Wax yohoomay ahaansho.
yohoonsanaan eeg yohoonsan. ld yohonsanaansho.
yohoonsanaansho ld yohoonsanaan.
yoobsan Dad ama xoolo meel tuuran ahaansho.
page : 1581 of 1584
<< < 1576 1577 1578 1579 1580 1581 1582 1583 1584 >