Ereyga Maanta: miryaadis
dhuunyeerin eeg dhuunyeeri. ld dhuunyeeris.
dhuunyeeris ld dhuunyeerin.
dhuunyid eeg dhuuni².
dhuuq ld dhuug².
dhuuqid ld dhuugid.
dhuuqis ld dhuugid.
dhuuqsad ld dhuuqsasho.
dhuuqsasho eeg dhuuqso. ld dhuuqsad, dhuuqsi.
dhuuqsi ld dhuuqsasho.
dhuuqso Xarig iwm si adag gacmaha ku qabsasho.
dhuur Geed abaareed dheer oo ka baxa dhulka dhanada ah.
dhuurar Geed yar oo dacarta u eg oo leh mayrax adag oo xargaha laga sameeyo.
dhuurcaso Jaadadka quraanyada mid ka mid ah oo midabkeedu cas yahay, yaryar oo aad u qaniinya kulul. ld dhuuricaso.
dhuuri (1) Xanuun.
dhuuri (2) Dixiri yar oo waqtiyada dharabka qofka kaba la'aanta socda cagaha ka gala.
dhuuri (3) Xanuun dareemid.
dhuuricaso ld dhuurcaso.
dhuurtaxaniinyo ld dheertaxa- niinyo.
dhuurtee Geedgaab cufan oo ka mid ah dhir-abaareedka oo ay xooluhu daaqaan, lehna caleemo yaryar oo dhuudhuuban.
dhuurur Geed yar oo dacarta u eg oo leh mayrax adag oo xargaha laga sameeyo.
dhuuryaamid eeg dhuuryaan².
dhuuryaan (1) Jaad duqsi ka mid ah oo waaweyn.
dhuuryaan (2) Ku dh.: cid ku fawfawlayn ama ku nuunaasid (cayayaanka duula sida diqsiga iwm).
dhuuryid eeg dhuur³.
dhuuryo Shimbir hilibka cunta; dafo; soladduul.
dhuus (1) Neef kolkol sanqari weheliso oo qurmuun oo nafleyda qaarkeed xaggeeda dambe ka timaadda. ld dhuuso.
dhuus (2) Dhuuso sii deyn.
dhuusaquraar Qof da'yar, fudud oo faduul badan.
dhuusid eeg dhuus².
dhuuso ld dhuus¹.
<< < 160 161 162 163 164 165 166 167 168 169 170 > >>