Ereyga Maanta: qaldhow
caanomaallo-isle'eg (c.fal.) Eray loo adeegsado labada barood oo ay iska gooyaan tub sannadeedka qorraxda iyo sallaxa gooya dhul-baraha; waa sannadkii marka qorraxdu ay bartamaha maalintii ku dul beegantahay badhaha. Waa marka ay ku jiraan labada cirif, isla markaas waa marka meel kasta oo dunida ka mid ahi ay maalmahooda iyo hebeennadodu isla egyihiin - 12 saacadood mid kasta.
caanonnuug Ubad xoolaad oo weli nuuga hooyadii. ld caanannuug.
caanonnuugnimo Caanannuug ahaan- sho. ld caanannuugnimo.
caanoole Nin caanaha ka ganacsada.
caanooley 1. ld caanaddiiq 1. Haweeney caanaha ka ganacsata; (u) dad caanaha ka ganaacsada. 2. ld canaaley. Naasley.
caanooyo ld caaneeyo.
caanoqaadad Caano-yaraynta xoolo irmaani caana yareeyaan.
caanteyn Lacag ka mid ah sarrifka rubiyada oo qiimaheedu u dhigmo labaatan senti. ld caanateyn.
caanyee 1. Harag caano ku jilcin. 2. Ma daroorsha ka dhigid, agloolid. 3. Waxyaabo aan islahayn isku qasid (arrin). 4. Qof si xun ula dhaqasho.
caanyeyn eeg caanyee.
caaq C. ah qof aad u garaad yar.
caaqibaxumi ld caaqibaxumo.
caaqibaxumo Xaalad aan aayatiinkeedu wanaagsanayn. ld caaqibaxumi.
caaqibayn eeg caaqibee.
caaqibee Wax caaqibo u yeelid.
caaqibo 1. Cirib dambeedka qof leeyahey, aayatiin. 2. Waxtar iyo wanaag.
caaqido ld caqiido.
caaqil 1. Nin caqli badan. 2. (-llo/cuqaal m.dh) Nin bulsho meel ku wada nool u dooratay inuu madax u noqdo; nabaddoon.
caaqilad Naag caqli badan.
caaqilnimo Caaqil ahaansho.
caaqilo Ciqaabta Rabbi ee ku dhaca cid cid kale ama wax kale ku gabbood fasha; nabsi.
caaqnimo Caaq ahaansho.
caar 1. Midab baraashirix ah oo lo'da ariga iyo farduhu yeeshaan. 2. Cudur haragga dadka ku dhaca oo baro cadcad u yeela; qawad.
caar (1) Xubinta taranka ee ratiga.
caarad (1) 1. Xoolo ama dad wada socda intooda ugu horreysa. 2. Asbuuc, bil sanad iwm billowgiisa.
caarad (2) Af fiiqan oo wax mudi kara.
caarad-dhuub 1. Wax kasta oo af fiiqan leh. 2. Nooc warmaha ka mid ah oo af fiiqan leh. 3. Nooc ka mid rasaasta oo af fiiqan leh.
caari (1) Marka biyaha badda dib berriga uga noqdaan. ld caarid.
caari (2) Biyaha badda, berriga dib uga noqosho.
caarid (1) ld caar¹.
<< < 184 185 186 187 188 189 190 191 192 193 194 > >>

