Ereyga Maanta: yeeg-bisaliim
cabbaad ld cabbaar.
cabbaar 1. Meerisyo kuul yaryar ah, hab quruxsan la isugu tolo, rucubyo leh oo haweenka qoorta ku xirtaan. 2. Midab baraashirix ah oo lo'da iyo riyuhu yeeshaan. 3. (w) Qaab qurux badan oo dadka cayillan ama hablaha surkoodu yeesho. ld cabbaad.
cabbaar (1) 1. Waqti aan badnayn ama aan fogayn. 2. Masaafo aan dheerayn.
cabbaar (2) Masaafada rati rarani ku daalo.
cabbaar (3) Rati raran daalid.
cabbaarid eeg cabbaar³.
cabban Wax adkaysi yar leh ahaansho; nuglaansho (qof).
cabbanaan eeg cabban. ld cabbanaansho.
cabbanaansho ld cabbanaan.
cabbane Geed saliiddiisa la isku qaras falo.
cabbayn eeg cabbee.
cabbaysan Wax la cabbeeyey ahaansho.
cabbaysnaan eeg cabbaysan. ld cabbaysnaansho.
cabbaysnaansho ld cabbaysnaan.
cabbee 1. Jawaan, sanduuq iwm suuf, dhar iwm ku cidid. 2. Buntukh dhuunta xabbad u dhigid si ay dhicid diyaar ugu noqoto.
cabbid eeg cab. ld cabid².
cabbir (1) 1. Qiyaas lagu heshiiyey oo caddeyneysa wax dhererkiisa, muuqiisa iwm. 2. Habka loo qiyaaso dherer, mug, culays iwm. 3. Qalab lagu cabbiro wax dhererkiisa, culayskiisa, muggiisa iwm.
cabbir (2) 1. Wax dhererkiisa xisaabid; culayskiisa miisaamid; muggiisa beegid. 2. Fikrad iwm sheegid.
cabbir-dhuleed (juqr.) Sayniska cabbiraadda qaabka iyo xajmiga dhulka oo ay ku jiraan miisaankiisa, cufnaantiisa iwm, iyo isla markaas sahaminta qaybaha waaweyn ee dhulka dushiisa ah si loo garawsado xoodnaanta dhulka.
cabbiran Wax la cabbiray ahaansho.
cabbire-selsiyas (fiis.) Cabbir heerkul ee barta barafku yahay 0ø; barta karkuna tahay 100°. Digriiga selsiyas (Summad: °C) waa 1/100 gaaliska heerkulka, waxana uu laxaad ahaan le'egyahay kelvin (°K).
cabbirid eeg cabbir². ld cabbiris.
cabbiris ld cabbirid.
cabbirnaan eeg cabbiran. ld cabbirnaansho.
cabbirnaansho ld cabbirnaan.
cabbur (1) Xirmidda sanku neeftu ku xiranto, duray, sanboor iwm awgood. ld cabburid.
cabbur (2) Xubnaha hawomareenka neef si ciriiri ah uga soo bixid.
cabburi Cabbur ku ridid, neef ku celin.
cabburid eeg cabbur². ld cabbur¹.
cabburin eeg cabburi.
<< < 188 189 190 191 192 193 194 195 196 197 198 > >>