cadcadaysnaansho ld cadcadaysnaan.
cadcaddaan eeg cadcad. ld cadcad-daansho.
cadcaddaansho ld cadcaddaan.
cadcaddee Roob da'ay biyo aan badnayn oo aan rays fiican yeelan karin dhigid.
cadcaddey Ubad xoolaad oo caano nuug ah.
cadcaddeyn eeg cadcaddee. ld cadcaddeys (2).
cadcaddeys 1. Roob yar aan dhulka biyo dhigin. 2. ld cadcaddeyn.
cadcaddo 1. Nooc dhuugga ka mid ah, yaryar, leh midab cad oo meeshi uu ku dhego aan si sahlan uga kicin. 2. C. ah: roob yar oo aan dhulka biyo dhigin.
cadcadee Wax gaballo yaryar ka dhigid. ld cadadee.
cadcadeyn eeg cadcadee. ld cadadeyn.
cadcadoobid eeg cadcadow. ld cadadoobid.
cadcadow Wax cadcad ah noqosho. ld cadadow.
cadceed 1. Xiddigta weyn oo dhulka iyo meerayaasha kale ku meeraystaan, iftiin leh; qorrax. 2. Iftiinka qoraaxda ee barqada iyo galabta.
cadceed-dhac Qorraxdhac.
cadceedsad ld cadceedsasho.
cadceedsasho eeg cadceedso. ld cadceedsad, cadceedsi.
cadceedsi ld cadceedsasho.
cadceedsidhac Qorraxsidhac.
cadceedso 1. Galab dhanka qorraxdu jirto aadid. 2. Diinkabixid; gaaloobid. 3. Jid ama meel ka habaabid.
cadceedsoobax Qorraxsoobbax.
caddaad 1. ld caddow 1. Cudur dadka ku dhaca oo oogadu cadcaddaato; baras. 2. Dhar midab baxay.
caddaalad Maamul ku dhisan eex la'aan.
caddaaladdarro Fal ay eexi ku jirto.
caddaaladxumo Fal ay eexi ku jirto.
caddaamad ld caddaan¹.
caddaambuluug Midab buluug ah oo caddaan xigeen ah.
caddaan (1) 1. Midabka cad. 2. Dadka inta midabkoodu cadyahay. 3. C. ah: lacag wax lagu kala iibsaado oo aan badeeco ahayn. 4. Daacadnimo; run. 5. Dhagax dumnadeed aan dhibco lahayn. ld caddiin.
caddaan (2) eeg cad². ld caddaansho.
caddaan-bibanji ld caddaan-bibiish.
caddaan-bibiish Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad dhinacna shan dhibcood ku leh. ld biish-bicaddaan, caddaan-bibanji.
<< < 192 193 194 195 196 197 198 199 200 201 202 > >>