Ereyga Maanta: gurguurto
caqabo Shanboolada oo saddex goor la boolaysto laguna badiyo (turub).
caqad Nikaax. ld caqdi.
caqasho ld aqasho.
caqdaad eeg caqdad. ld caqdad.
caqdad Duub maro ah oo afartan yaardi ah oo midab leh. ld caqdaad.
caqdi ld caqad.
caqi ld aqi.
caqiido Mabda'diimeed oo la aaminsan yahay. ld caaqido.
caqin ld aqin.
caqli Awood binu'aadanka u gaar ah oo ay wax ku kala gartaan; garaad. ld aqli.
caqliceli U c.: cid waxay samayn lahayd ka waanin.
caqlicelin eeg caqliceli.
caqliggaab (caqliggaab, m.dh) Qof aan caqli badan lahayn.
caqliley Haween caqli badan leh.
caqlillaawe Nin aan caqli fiican lahayn.
caqlilow Nin caqli badan leh.
caqlisasho ld caqliyaysasho.
caqliso ld caqliyayso.
caqliyad Ra'yi.
caqliyari Nacasnimo.
caqliyaysasho eeg caqliyayso. ld caqlisasho.
caqliyayso 1. Ilmo, wax garaadkiisu kordhay noqosho. 2. Qof fal xun oo uu sameyn jirey ka waantoobid. 3. Qof bisil oo waaya-arag ah noqosho. ld caqliso.
caqo ld aqo.
car (1) 1. Qadiidka ku hara weel la culay. 2. Dhadhanka ay yeeshaan caano, biyo iwm oo lagu shubay weel la culay. 3. Cudur candhada geela ku dhaca oo dildilaaciya. 4. (e.d) C.!: haddaad ku dhacdid!; Wir.
car (2) Car noqosho. ld cartan².
caraacar 1. Geed nagaar leh qodaxyo kuwa tiinka u eg oo ka baxa meelaha qabatinka leh. 2. Qodaxda geed-qodxeed yar. ld caraacir, caraancar.
caraacir ld caraacar.
caraadi Qof dagaal ku guubaabin.
caraadin eeg caraadi.
caraancar ld caraacar.
<< < 215 216 217 218 219 220 221 222 223 224 225 > >>