carrabbow (2) ld carrabbaab².
carrabcad Dhasha xoolaha oo caananuugga ah oo aan weli daaqid gaarin.
carrabdhaw (1) Alalaas; mashxarad.
carrabdhaw (2) Mashxarad samayn.
carrabdhebid eeg carrabdhaw².
carrabey ld carrablaw.
carrabjalqi Erayo dhawaaqoodu isku dhow yahay oo carrabka carruurta lagu jilciyo dhihid.
carrabjalqin eeg carrabjalqi. ld carrabjalqis.
carrabjalqis ld carrabjalqin.
carrabkeliyaale Koor hal carrab leh.
carrabkudhufad ld carrabkudhufasho.
carrabkudhufasho Hadalhaynta. ld carrabkudhufad.
carrabla' (1) ld carrablaay.
carrabla' (2) Qof aan ereyada qaarkood sida loogu dhawaaqo karin ahaansho.
carrabla'aan 1. eeg carrabla'². 2. Shigshigidda. ld carrabla'aansho.
carrabla'aansho ld carrabla'aan.
carrablaay Haweeney aan karin erayada qaarkood sida loogu dhawaaqo. ld carrabla'¹.
carrablaw Nin aan karin erayada qaarkood sida loogu dhawaaqo. ld carrabey.
carrablo'aad Geednagaar yar, faalala, leh laamo la cuno oo alamo leh.
carrabmacaan Si raxiim ah u hadlid.
carrabmacaanaan eeg carrabmacaan. ld carrabmacaanaansho.
carrabmacaanaansho ld carrabmacaanaan.
carrabmaris Su'aasha la weyddiiyo herinta inuu jiro cid dembi gashay, marka dhawr goor la soo hungoobo.
carracad Dhul midabka ciiddiisu caddaan u dhawdahay.
carrafo ld arrafo.
carraggeddi (1) ld carraggeddiyid.
carraggeddi (2) Beer, ciiddeeda burburin kaddibna jilcin.
carraggeddin ld carraggediyid.
carraggeddis Burburinta iyo jilcinta ciidda beerta lagu sameeyo. ld carraggeddiyid.
carraggeddiyid eeg carraggeddi². ld carraggeddi¹, carraggedin, carraggeddis.
<< < 222 223 224 225 226 227 228 229 230 231 232 > >>