Ereyga Maanta: lasow
qalloocid eeg qallooc². ld qalloocasho.
qalloocin eeg qallooci.
qalloocnaan eeg qalloocan. ld qalloocnaansho, qalloocsanaan, qalloocsanaansho.
qallooco 1. Wax dhan u janjeersasho. 2. Ka q.: hadal si aan habbooneyn u dhihid. 3. ld qallooc².
qalloocsan ld qalloocan.
qalloocsanaan ld qalloocnaan.
qalloocsanaansho ld qalloocnaan.
qalloocsasho eeg qalloocso. ld qalloocsi.
qalloocsi ld qalloocsasho.
qalloocso Wax dhan u soo janjeersasho.
qalluud (1) Si miskiinnimo ah oo la isu muujiyo (qof). ld galluub¹.
qalluud (2) Si miskiinnimo ah isu muujin (qof). ld galluub².
qalluudid eeg qalluud². ld galluubid.
qalluudsan Wax miskiin iska dhigaya ahaansho (qof). ld galluuban.
qalluudsanaan eeg qalluudsan. ld galluubnaan, galluubnaansho, qalluudsanaansho.
qalluudsanaansho ld qalluudsanaan.
qalluul (1) Qarsashada cid wax ay qaybinaysay wax ka qarsato.
qalluul (2) Cid wax ay qaybineysay wax ka qarsasho.
qalluulid eeg qalluul².
qalmaan eeg qalin.
qalmashube ld qalinshube.
qalmid eeg qalan¹.
qalnaan eeg qalan². ld qalnaansho.
qalnaansho ld qalnaan.
qalniin 1. Jeexdin lagu sameeyo meel jirka nafleyda ka mid ah si loo daweeyo. 2. ld qalid.
qalo (1) Hal neef oo baadi ah.
qalo (2) 1. Dareen ku dhasha nafleyda marka ay taagan yihiin meel aysan hore u joogi jirin ama ay la kulmaan dad aysan aqoon. 2. Q. ah: neef baadi ah oo xoolo uusan aqoon u tegay.
qalo (3) Si loo cuno xoolo gowracasho.
qaloo (ooday, -ootay) Nafley qalo dareemid.
qalood eeg qaloo.
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>