qaloombi (1) Dhawaaq xoog leh oo aan kala joogsi lahayn. ld qaloombiyid.
qaloombi (2) Dhawaaq xoog leh oo aan kala joogsi lahayn sameyn.
qaloombin ld qaloombiyid.
qaloombiyid eeg qaloombi². ld qaloombi¹, qaloombin.
qaloon 1. Maseggo, galley, digir iwm oo la dubay. 2. Meesha qalloocan oo salka hunguriga nafleyda. 3. Jirro ku dhacda qoorta oo bararisa.
qaloondub Dube.
qaloonfirdhis Hab loo ducaysto oo salool afarta jaho loo firdhiyo.
qalow Dhul korkiisa dhagax ku simanyahay.
qalowle 1. Geel aan irmaan ahayn. 2. Cunto aan idaan lahayn.
qalowlee 1. Neef irmaanaa caanihii ka dhammaasho; gurid (geel) 2. Hilib qalowle ka dhigid.
qalowleyn eeg qalowlee.
qalqaali Hawl qabashadeeda isku taxluujin ama qabanqaabin.
qalqaalin eeg qalqaali. ld qalqaalis, qalqaalo (1).
qalqaalis ld qalqaalin.
qalqaalli Q. ah: wiil rabsho badan.
qalqaalo 1. ld qalqaalin. Isku dubbarididda hawl arrin iwm qabashadooda. 2. Hanti aan badnayn oo qof la siiyo.
qalqal (1) ld khalkhal¹.
qalqal (2) ld khalkhal².
qalqale 1. Summad geela lagu dhigo oo u eg qaanso aad loo tooxay oo dheegga lagu dhigo. 2. Kolay harag ka samaysan oo fardooleyda, xoolo jirta iwm wax ku ritaan.
qalqali ld khalkhali.
qalqalid ld khalkhalid.
qalqalin ld khalkhalin.
qalqalli Dhoobo qallashay oo adag.
qalqalsan ld khalkhalsan.
qalqalsanaan ld khalkhalsanaan.
qalqalsanaansho ld khalkhalsanaan.
qalwayn ld khilaawayn.
qalwee ld khilaawee.
qalwi 1. Hilib iwm holac ku dubid. 2. Weel iwm holac ku diirin. 3. Fuud, dawo iwm nafley afka uga shubid. ld halwi.
qalwin eeg qalwi. ld halwin.
<< < 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 > >>