gallayryayn ld gallayrrayn.
gallayryee ld gallayrree.
galley Geed ka mid ah dalagga la beerto oo leh caleemo balballaaran, dhaadheerna, wuxuuna dhalaa iniino badar oo la cuno lagana miiro saliid; arabbikhi.
galli Dhagax adag oo aan si sahal ah loo jebin karin oo ceelasha salkooda ku jira.
galliimid ld gelliimid.
galliin (1) ld gelliin¹.
galliin (2) U g.: Laba dhinac oo dhibaato dhextaalay heshiisiin; ergayn. ld gelliin².
gallimid ld gellimid.
galmo 1. Isu tegidda ragga iyo haweenka. 2. ld gelid.
galmoo U g.: nin, naag u tegid.
galmood eeg galmoo.
galniin ld gelid.
galoobbar Bardhul.
galoobbax (1) ld galaabbax¹.
galoobbax (2) ld galaabbax².
galoobbixid ld galaabbixid.
galoof (1) G. ah: ishkin dheddig oo aan irmaaneyn.
galoof (2) Neef xoolo ah, wax aan irmaanayn rimanaynna noqosho. ld galoofow.
galoof-olol (1) 1. Ololidda neef geel ah oo guran oo u olola sida neef irmaan oo ubad u xiranyahay. 2. ld galoof-ololid.
galoof-olol (2) Neef geel ah oo guran sida neef irmaan u ololid.
galoof-ololid eeg galoof-olol². ld galoof-olol¹ (2).
galoofaad (1) Daal iyo dhibaata badan oo lagala kulmo socod dheer.
galoofaad (2) Daal, dhibaato badan socod dheer kala kulmi.
galoofaadi Cid galoofaad gayeeysiin.
galoofaadid eeg galoofaad². ld galoofaadis².
galoofaadin eeg galoofaadi. ld galoofaadis¹.
galoofaadis (1) ld galoofaadin.
galoofaadis (2) ld galoofaadid.
galoofid eeg galoof². ld galoofoobid.
galoofnimo Galoof ahaansho.
<< < 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 > >>