Ereyga Maanta: qaqaan
samaan (2) eeg san². ld samaansho, sami, samo¹.
samaansho eeg samow. ld samaan².
samaanyo (Waayadii hore) xoolo wiilka dhasha laga bixiyo oo la siiyo dad gaar ah (yibir, caadaqaate).
samad Suun dun ka samaysan, ballaaran oo haweenku dhexda ku xirtaan.
samaddoon Nin beel madax u ah.
samadiid Qof xumokatalis ah.
samadiidnimo Samadiid ahaansho.
samafal (1) Wanaag iyo taageero cid loo sameeyo.
samafal (2) Qofka u shaqeeya daryeelka beenii-aadamka dartiisa, yareeya waxyeelayntiisa, dib u habeeya sharciyada ku saabsan ciqaabta.
samafal (3) Taageero iyo wanaag cid u samayn.
samafale Qof wax wanaagsan sameeya.
samafalid eeg samafal³.
samalaha 1. Xilliga xagaaga waqti roobab badani ka da'aan Galbeed (Karan). 2. Xilli roobaad. ld samaloho.
samaloho ld samalaha.
saman Waa, jeer, goor. ld saben, semen.
samar ld sabar².
samatabbax (1) Ka nabad gelidda halis iyo cabsi laga nabad galo. ld sabatabbax¹.
samatabbax (2) 1. Wax halis ah ka nabad gelin. 2. Wax halis ah ka nabad gelid. ld sabatabbax².
samatabbixi Cid halis ah ka badbaadin. ld sabatabbixi.
samatabbixid eeg samatabbax². ld sabatabbixid.
samatabbixin eeg samatabbixi. ld sabatabixin.
samawade Qof wanaagga iyo samaanta jecel oo bulshada dhexdeeda ku baahiya.
samay ld samayo.
samayn (1) eeg samee. ld samays.
samayn (2) (kiim.) Macmalid: diyaarinta iskudhisyo kiimikaad iyaga oo laga ambaqaadayo iskudhisyo fudud.
samayo 1. Usha waranka. 2. Ul dheer oo toosan. ld samay.
samays 1. Nooc dermooyin-ka ka mid ah. 2. ld samayn¹.
samaysad ld samaysasho.
samaysan (1) Wax la sameeyey noqosho.
samaysan (2) Wax la sameeyey ahaansho.
<< < 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 > >>