Ereyga Maanta: ilgal
coorcoor (1) Jactad ku dhaca jirka nafleyda oo uu keeno qabow ama jirro.
coorcoor (2) Jir nafley, jactad ku dhicid qabow ama jirro darteed.
coorcoorid eeg coorcoor².
coorcoorsan Wax coorcoor yeeshay ahaansho (jir nafley).
coorcoorsanaan eeg coorcoorsan. ld coorcoorsanaansho.
coorcoorsanaansho ld coorcoor- sanaan.
coosh 1. ld cooshad. 2. Cafish.
cooshad Guri ka sameysan qoryo iyo caws oo si ku meel gaar ah loogu noolaado ama wax loogu gato.
corad ld curad.
cordaalo ld curdaalo.
cosob Doog badan oo markaas soo baxay. 2. Meel an naqeeda weli la daaqin.
cub (1) 1. ld cuf. (-bab, m.l) Shay yar oo meel daloosha lagu gufeeyo; cuf. 2. “C. iyo cir”: ereyo kolka la cubtamayo la yiraahdo. ld cug¹.
cub (2) Dalool yar gufeyn. ld cug².
cuban (1) 1. Dalool wax la cubay ahaansho. 2. Wax neeftu ku xirantay noqosho (san). ld cugan¹.
cuban (2) 1. Wax la cubay ahaansho. 2. Qof ciyaar loo xulay ahaansho. ld cugan².
cubasho eeg cubo. ld cugasho.
cubbaan C. ah: qof hanti badan leh.
cubbaannimo Cubbaan ahaansho.
cubcub (1) 1. Maqaar dhal xoolaad, dhisan caws ka buuxo, leh qaabkii ilmaha dhintay oo neefkii dhalay lagu godliyo; joojooge. 2. Wax muuq dad leh oo beeraha la dhex dhigo si ay shimbiraha, dugaagga iwm uga cararaan. 3. Derin cusub oo aan weli la kala jeexin. 4. ld cubcubid. ld cucub¹.
cubcub (2) Maqaar xoolaad, dhisan caws ka buuxin. ld cucub².
cubcuban Maqaar dhal xoolaad, wax la cucubay ahaansho. ld cucuban.
cubcubid eeg cubcub². ld cubcub¹ (4), cucubid.
cubcubnaan eeg cubcuban. ld cubcubnaansho,cucubnaan,cucubnaan-sho.
cubcubnaansho ld cubcubnaan.
cubid eeg cub².
cubmid eeg cuban¹. ld cugmid.
cubnaan eeg cuban². ld cubnaansho, cugnaan, cugnaansho.
cubnaansho ld cubnaan.
cubo Ciyaar qofka ugu habboon xulasho. ld cugo.
cubtamid eeg cubtan². ld cubtan¹ (2), cugtamid.
<< < 260 261 262 263 264 265 266 267 268 269 270 > >>