Ereyga Maanta: garbis
daabbulad Xirmo ka kooban boqol marduuf oo jaad ah. ld daabbule.
daabbule ld daabbulad.
daabbulid eeg daabbul.
daabdulle Bir dhuuban oo koorta ilaheeda lagu dalooliyo.
daabece 1. Qof qoraallo madbaceeya. 2. Qof dharka daabaca.
daabicid eeg daabac². ld daabac¹ (4), daabacaad.
daabid eeg daab³.
daabixid ld daabaxid.
daabnaan eeg daaban. ld daabnaansho.
daabnaansho ld daabnaan.
daabo 1. (f.g) Qalab daab u samaysasho. 2. (f.mg) Ku dhicid daab (dhasha xoolaha). Tus. “Waxartu waa daabatay”.
daabul Xoolo koox-koox u socda si degdeg ah u rarid.
daabulid eeg daabul.
daac (1) Qabatoon; macaluul; diihaal.
daac (2) 1. (f.g) Neef caloosha ka timaadda oo dhawaaq leh, afka ka sii deyn. 2. (f.mg) Nafley caatoobid. ld daaco².
daacad Qof niyad samida ama mukhlisnimada uu muujinayo ay ka dhabtahay.
daacadnimo Daacad ahaansho.
daacadxumo Daacadnimo la'aan.
daacaqurmid eeg daacaqurun². ld dacwashiirid.
daacaqurun (1) Daaco ur qurmoon oo ka timaadda calool cunto kala duwan qaadatay. ld dacwashiir¹.
daacaqurun (2) Qof, cunto uu cunay ku bukooday oo naqas qurmoon bixinaya noqosho. ld dacawashiir².
daacasho ld daacid.
daaci (1) D. ah: neef aad caato u ah.
daaci (2) 1. (f.g) In weyn oo wax hoore ah shubid. 2. (f.mg) Fatihid (webi).
daacid eeg daac². ld daacasho.
daacin eeg daaci².
daaco (1) 1. Neef dhawaaq leh, caloosha ka timaadda oo afka ka soo baxda. 2. Dhul godan oo aan dhir lahayn.
daaco (2) ld daac².
daacuf Timo ama dhogor dheer, si xun u baxay ama aan la habeyn.
daacufle Qof ama neef daacuf ah.
<< < 274 275 276 277 278 279 280 281 282 283 284 > >>