taxmid eeg taxan¹. ld tixmid.
taxnaan eeg taxan². ld taxnaansho, tixnaan, tixnaansho.
taxnaansho ld taxnaan.
taxo Wax iniino ah, dhexda ka daloola dun iskula xiriirasho.
taxooran 1. Qof dadka kala ka soocan ahaansho. 2. Ku t.: qof wax caan ku ah ahaansho.
taxow 1. Fardaha jare ku wadid ama ku garqaadid, iyadoo la soconayo, la lugaynayo. 2. Qof xoog ku wadid.
taxriif Wax siduu ahaa mooyee si kale loo fasiro.
taxriifi Wax siduu ahaa si kadduwan u fasirid.
taxriifin eeg taxriifi.
tay ld tayda².
tayaago ld tannaagood.
tayaagoo ld tannaagoo.
tayaagood ld tannaagood.
tayaaqoo ld tannaagoo.
tayaaqood ld tannaagood.
tayada ld tayo².
tayda (1) (Kuweyga, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax anigu (qofka koowaad ee kelida ah ee hadlaha ah) aan leeyahay. Tus. “Taydu waay caddahay”.
tayda (2) Dibkabe tlmaamaya wax keli ah oo dheddig, kolka qofka lihii sheegayo inuu leeyahay. Tus. “Nin baa hortayda taagan”. ld tay.
tayfuun (c.cimi.) Duufaanka kulaalayda ee badaha shiinaha.
tayga (juqr.) Dhulka kaymaha caleen irbadleyda Siberiya, xadka waqooyiga tunduraha aad u qabow ee aan dhirta lahayn, koonfurtana istebiska. Noocyada dhirta ee ugu muhiimsanina waa “pine, fir, spruce iyo larch”. Waxay ka koobantahay meelo badan oo dhasheeg ah, waqtiga gu'gana dhulka intiisa badan waxa fatihiya biyo ka yimaadda wabiyada oogada sare ee woqooyi xiga kuwaas oo dacalladdooda hoose weli sarafyihiin.
tayiiso Karti; awood.
taymas Qanjir ku yaal lafta shafka xaggeeda gudaha xigta, caruurta keliya ayaa leh, dadka waaweyn waa ka baaba'a, wuxuuna ka tirsanyahay qaybta difaaca jirka.
tayo (1) Sifo lagu garto dhalanka ama abuurta wax kale leeyihiin oo waxyaale kale kaga duwanyihiin; nooc; jaad.
tayo (2) Tan annagu aannu leenahay. ld taayada², taayo, tayada.
tayrotogsikoosis (daaw.) Xaaladda cudureed oo ay keento hormooniska qanjirka taayroodka oo si dheeraad ah oo aan caadi ahayn ugu jira dhiigga, taasu waxay keentaa wadne garaac dhakhso badan, dhidid, gariir, kacsanan maskaxda, cunno badni, culeyska oo is dhima, u dulqaadasho la'aan kulka.
tayruuf Geel meel fog u daaq tegid.
tayruufid eeg tayruuf.
tayse Barwaaqo badan.
teb Wax maqnaanshahooda dareemid. ld tow.
tebbed (1) Qori hoos irridda looga xiro; qataar.
<< < 25 26 27 28 29 30 31 32 33 34 35 > >>