santariyool (baay.) Dhisme dhululubaysan oo ku dhex yaallla unugga kana qayb qaata qaybsanka unugga.
santaroomeer (baay.) Qayb-ta ka midka ah koromosoomyada ee aan lahayn hiddo-side.
santeec (1) Ku tiirsanaanta lagu tiirsanaado derbi, kursi iwm.
santeec (2) Kursi, derbi iwm ku tiirsasho.
santeeci Ku s.: wax derbi iwm ku tiirin.
santeecid eegh santeec².
santeecin eeg santeeci. ld santeecis.
santeecis ld santeecin.
santeecsan Qof wax derbi, kursi iwm ku tirsan ahaansho.
santeecsanaan eeg santeecsan. ld santeecsanaansho.
santeecsanaansho ld santeecsanaan.
santeecsasho eeg santeecso.
santeecso Kursi, derbi iwm ku tiirsasho.
santi ld senti.
santuukh ld sanduuq.
santuur (1) Qori marka hashu ilmaha diiddo sanka looga xiro oo mayrax lagula duubo.
santuur (2) Hal ilmo diiddey sanka qori uga xirid.
santuuran Hal wax la santuuray ahaansho.
santuurnaan eeg santuuran. ld santuurnaansho.
santuurnaansho ld santuurnaan.
sanuun (1) 1. Sunbaax ama urta ka soo baxda hilib la shiilayo ama la dubayo. 2. Saac-xumo dhacda oo wax kasta khayrka ka qaadda.
sanuun (2) Hilib la shiilayo ama la solay sunbaaxid.
sanuunad Iidaan ka samaysan hilib, khudaar, dufan iyo geedo udgoon oo la isku shiilay; suugo.
sanuunadayn eeg sanuunadee.
sanuunadaysan Wax sanuunad leh ahaansho.
sanuunadaysnaan eeg sanuuna-daysan. ld sanuunadaysnaansho.
sanuunadaysnaansho ld sanuuna-daysnaan.
sanuunadee Cunto sanuunad u yeelid.
sanuunid eeg sanuun².
saq 1. Hurdo dheer. 2. Habeen bar.
<< < 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 > >>