dambidhaaf (1) ld dembidhaafid.
dambidhaaf (2) ld dembi- dhaaf².
dambidhaafid ld dembidhaafid.
dambiil Qalab caw, xaskul, caag iwm laga sameeyo sidde leh oo adeegga guriga lagu rito. ld danbiil.
dambiilannimo ld dembilennimo.
dambiile ld dembiile.
dambitir (1) ld dembitirid.
dambitir (2) ld dembitir².
dambitirid ld dembitirid.
dambow Ka d.: dabadeed, kaddib. Tus. “Toban casho ka dambow buu iska tegey”.
damci Damac gelin.
damcid eeg damac². ld damac¹ (3).
damcin eeg damci. ld damcis.
damcis ld damcin.
damdaguugan D. ah: mugdi aan waxba loo jeedin.
dameer (1) Labka gammaan la rarto, ka yar faraska, leh dhegodhaadheer, guud gaaban iyo midab bey ah. ld dabeer¹, dammeer¹.
dameer (2) Dheddigga gammaan la rarto, ka yar faraska, leh dhego dhaadheer, guud gaaban iyo midab bey ah. ld dabeer², dammeer².
dameerabilayn ld dameeradhaglayn.
dameerabilee ld dameeradhaglee.
dameeradhaglayn eeg dameeradhaglee. ld dameerabilayn.
dameeradhaglee Qof wax uu niyadda ka jecel yahay is diidsiin. ld dameerabilee.
dameeradhuuji Qof dameeradhuujo ku qabasho.
dameeradhuujin eeg dameeradhuuji.
dameeradhuujo Tab legdenka ka mid ah oo qof qof kale labada lugood dhexda kaga maro si uu xanuujiyo oo neeftu ugu celiyo.
dameerajoogeen 1. Urur xiddiga ah. 2. ld dameerjoog.
dameerdibadeed 1. Farow. 2. Dameer duur joog ah oo aan dadku munaafacaadsan.
dameerfarow Dameer weyn, banjoog ah oo leh midab diillimo caddaan iyo madow ah. ld farow.
dameerhogo Howtulhamag.
dameerjoog 1. Meel biyaha roobku fariistaan. 2. dameerajoogeen.
dameero ld dameerow.
<< < 314 315 316 317 318 319 320 321 322 323 324 > >>