Ereyga Maanta: qawadid
hantiwadaageyn  eeg hantiwadaagee.
hantiwadaagnimo  Hantiwadaag ahaansho.
hantiyid  eeg hanti². ld hantin.
hantiyoobid  eeg hantiyow.
hantiyow  U h.: wax uu qof leeyahay noqosho.
hantool  Naxash.
hanuun1  Raacidda la raaco waddada toosan ee Eebbe jideeyey. hanuun2  Aad iyo aad, si weyn. Tus. “Beerka hanuun buu i xanuunayaa”. hanuun3  Qof xume u samayn jirey ka waantoobid. hanuuni  1. Cid dawga san ku toosin. 2. Dhaqan, figrad, ama aragti cid ku barbaarin. 3. Cid meel aanay garanayn tusid.
hanuunid  eeg hanuun³.
hanuunin  eeg hanuuni. ld hanuunis.
hanuunis  ld hanuunin.
hanuuniye  Qof wax hanuuniya.
hanuunsan  Wax hanuunsan ahaansho.
hanuunsanaan  eeg hanuunsan. ld hanuunsanaansho.
hanuunsanaansho  ld hanuunsa-naan.
hanweyn  U h.: qab weyn lahaansho.
hanweynaan  eeg hanweyn. ld han-weynaansho, hanweyni.
hanweynaansho  1. eeg hanweynow. 2. ld hanweyni.
hanweyni  Dareen qof ku dhaliya in uusan qaadan, waxyaabaha uu u qabo in aanay u qalmin; qab weyn leh. ld hanweynaan.
hanweynow  Qof hanweyni qaba noqosho.
haq  Harraad iyo gaajo badan.
haqab  Baahi, dan.
haqabbeel1  Baahibeelidda wax laga baahibeelo. ld haqabbeelid. haqabbeel2  Ka h.: wax inta looga baahanyahay ka qaadasho. haqabbeelid  eeg haqbbeel². ld haqqabbeel¹.
haqabtir1  ld haqabtirid. haqabtir2  Cid baahi tirid. haqad  1. Cad yar, beer ka mid ah oo qof maalin fali karo. 2. ld haqasho. 3. Qarar dhaadheer oo xeebaha ku yaal.
page : 34 of 93
<< < 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 > >>