Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: Diilalyo
nicmeyn  eeg nicmee. ld nimceyn.
nicmeysan  Wax xag kasta ka barwaaqaysan ahaansho. ld nimceysan.
nicmeysnaan  eeg nicmeysan. ld nicmeysnaansho, nimceysnaan, nimceysnaansho.
nicmeysnaansho  ld nicmaysnaan.
nicmo  Nabadgelyo, barwaaqo iyo caafimaad lagu suganyahay. ld nicmad, nimcad, nimco.
nicmooley  Xayawaanka dadku manaafacaadsado sida geela, ariga iwm. ld nimcooley.
nidaam  Hannaanka ay u dhisanyihiin wax kasta oo habeysan. ld nadaam.
nidaamdarro  Hab iyo hannaan la raaco la'aan. ld nadaamdarro, nadaam-la'aan, nidaam-la'aan.
nidaami  Wax la habeeyay ahaansho. ld nadaami.
nidaamin  eeg nidaami. ld nadaamin.
nidaamla'aan  ld nidaamdarro.
nidaamsan  Wax la nidaamiyay ahaansho. ld nadaamsan.
nidaamsanaan  eeg nidaamsan. ld nadaamsanaan, nadaamsanaansho, nidaamsanaansho.
nidaamsanaansho  ld nidaamsanaan.
nidar  1. Ballanqaad qof naftiisa waajib kaga dhigo inuu fuliyo haddii arrintiisu u hagaagto. Tus. “Waxaan n. ku galay inaan wan bixiyo haddii aan arigii iga lumay helo”. 2. Waxa loo bixiyo ballanqaadka qof naftiisa ku waajibiyey inuu fuliyo haddii arrintiisu u hagaagto. Tus. “Wankani waa n.”. ld nidir¹.
nidir1  ld nidar. nidir2  1. (f.g) Si muraad loo helo magac Eebbe ballan ku gelid. Tus. “Cali wuxuu nidray inuu neef bixiyo hadduu muraadkiisii helo”. 2. (f.mg) Cid dhaarasho. Tus. “Cali wuu nidiray”. nidrid  eeg nidir².
nifaaq  Wanaag la muujiyo iyadoo xumaan la garsanayo.
nifaas  Dhiigga ka yimaada haweenka markay dhalaan kaddib.
niggax1  ld ningax¹. niggax2  ld ningax². niggaxan  ld ningaxan.
niggaxasho  ld ningaxasho.
niggaxnaan  ld ningaxnaan.
niggaxnaansho  ld ningaxnaan.
niggaxo  ld ningaxo.
niggixid  ld ningixid.
niib1  Wax adag oo aan la dabooli karin. niib2  1. Wax si adag meel ugu dhejin. 2. Meel dalooshay oo la buuxshay ahaansho.
page : 24 of 35
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>

 

Exit mobile version