nidaamsan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Wax la nidaamiyay ahaansho. ld nadaamsan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nidaamsan

aaddi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid meel ku toosin; ld aadi, aadsii. 2. Ku aa.: wax dalool ciriiri ah oo uu geli karo ku beegid. 3. Ku aa.: wax muuqaalkooda wax kale ku gudbid. 4. Isku aa.: wax aan nidaamsanayn sida ay isu raaci karaan u nadaamid. aadi, aadsii

faalig [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Si aan nidaamsanayn wax u feteshid. 2. Si aan nidaamsanayn wax u cunid. ld faalug. faalug

faambi [m.l]
1. Si aan habboonayn oo wax loo cuno. 2. Qasidda wax nidaamsan la isku qaso. ld faambiyid. faambiyid

faambi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
1. Si aan habboonayn wax u cunid. 2. Wax nidaamsan isku qasid.

arday [m.l]
(arday/ardo, m.dh) 1. Qof tacliin nidaamsan oo sanado go'an iyo heerar kala duwan leh ku hawlan. 2. (dh.) Ilmo duqsi quraan dhigata.

ardayad [m.dh]
1. Gabar tacliin nidaamsan oo sanado go'an iyo heerar kala duwan leh ku hawlan. 2. Gabar dugsi quraan dhigata.

boorimee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-meeyay, -meysay)
1. (f.g) Hogayn. 2. (f.g) wax si aan nidaamsanayn u qabin. 3. (f.mg) Cararid.

dhaafdhaafi [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iyay, -isay)
1. Is dh.: wax si aan nidaamsanayn u dhigid; wax isweydaarin. 2. Is dh.: wax isku dhafid.

filig [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax nidaamsanaa kala daadin. 2. Wax iska filqid.

firxo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-xaday, -xatay)
1. Si aan nidaamsanayn u cararid. 2. Kala f.: wax wada jirey meelo kala duwan u kala cararid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg