nidir
(m.l)

ld nidar.

nidir
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-dray, -dirtay; -dri)

1. (f.g) Si muraad loo helo magac Eebbe ballan ku gelid. Tus. “Cali wuxuu nidray inuu neef bixiyo hadduu muraadkiisii helo”. 2. (f.mg) Cid dhaarasho. Tus. “Cali wuu nidiray”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nidir

nidar [m.l]
1. Ballanqaad qof naftiisa waajib kaga dhigo inuu fuliyo haddii arrintiisu u hagaagto. Tus. “Waxaan n. ku galay inaan wan bixiyo haddii aan arigii iga lumay helo”. 2. Waxa loo bixiyo ballanqaadka qof naftiisa ku waajibiyey inuu fuliyo haddii arrintiisu u hagaagto. Tus. “Wankani waa n.”. ld nidir¹.

nidrid [m.f.dh]
eeg nidir².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg