Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: saddex-madaxle
sagandaaq  Ugaarta keeda lab oo inta tamar yareeyo raxanta ka taga ee gooni-joog noqda.
sagaro  Sigaar buuriga iyo xaashidu kala samaysanyihiin oo qofka cabbayaa duubto.
sagax  S. ah: wax fidsan oo aan gun hoos u qodan lahayn.
sagli  Cir aroor hore sagal yeelasho.
saglin  eeg sagli.
sagooti1  ld saagootiyid. sagooti2  ld saagoti². sagootin  ld sagootiyid.
sagootiyid  ld saagootiyid.
sagsaag1  1. Googoynta shaqo loo googooyo. 2. Si isweydaar ah oo makiinadda harqaanku dunta dharka ugu tosho. 3. S. ah: qof aan si joogto ah u imaan oo googoys badan. 4. S. ah: makiinad harqaan oo si isweydaar ah wax u tosha. sagsaag2  1. Hawl iwm ka maqnaansho. 2. Hawl si xun u qabasho. 3. Harqaan si isdhaafdhaafsan dhar ugu tolid. sagsaagad  Naag hawl way ka maqantahay.
sagsaagan  Maro wax sagsaag lagu tolay ahaansho.
sagsaagasho  eeg sagsaago.
sagsaagid  eeg sagsaag².
sagsaagnaan  eeg sagsaagan. ld sagsaagnaansho.
sagsaagnaansho  ld sagsaagnaan.
sagsaagnimo  Sagsaag ahaansho.
sagsaago  Dhar sagsaag ku tolasho.
sagxad  1. Meel fidsan oo aan godnayn. 2. ld sadax.
sah  Hadba xaalka markaas lagu sugan yahay.
sahal1  Wax aan dhib lahayn ama fudud. sahal2  Wax fududayn. sahami  Sahan aadid. ld sahmi².
sahamin  eeg sahami. ld sahamis, sahmin, sahmis.
sahamis  ld sahamin.
sahamiye  Qof meel loo diro si uu u soo arko oo uga war keeno.
sahan  1. Aadidda meel la aado si looga war keeno. 2. S. ah: qof meel loo diro si uu uga war keeno.
sahansan  Wax la sahmiyey ahaansho.
sahansanaan  eeg sahansan. ld sahan-sanaansho.
page : 17 of 118
<< < 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 > >>

 

Exit mobile version