sahal
(m.l)

Wax aan dhib lahayn ama fudud.

sahal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-hlay, -hashay; -hli)

Wax fududayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sahal

fududayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Wax culus fudayd ka dhigasho. 2. Wax adag sahal ka dhigasho. ld fudaydso.

fududee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
1. Wax fudayd ka dhigid. 2. Wax sahal ka dhigid. ld fudaydi.

fududow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-daaday, -daatay)
1. Wax fudayd noqosho. 2. Wax sahal noqosho. 3. Qof fadaq noqosho. 4. Qof wax firfircoon noqosho.

fulaaliso [m.dh] (-ooyin, m.l)
(dii.) Ducooyin la akhriyo ama cashar la qoro marka haweenay foolanaaysaa sahal u dhali weydo. ld falaaliso.

fuqdo [m.dh]
1. Geed yar oo aan lahayn xididdo hoos jira oo ciidda iska dul saaran. 2. Wax aan sal adag lahayn oo sahal loo siibi karo. 3. Sabirdarrada uu leeyahay qof aan ka dhursugi karin duruufaha adag.

galli [m.l]
Dhagax adag oo aan si sahal ah loo jebin karin oo ceelasha salkooda ku jira.

geed-adayg [m.l]
1. Geed jirrid adag leh oo ayan birtu sahal u karin; geedlab. 2. G. ah: qof dhibaatada u adkayst.

jilci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax jileec ka dhigid. 2. Wax sahal ka dhigid.

jugleyn [m.dh]
(daaw.) Hirar cadaadis ah oo is daba joog ah oo dhex maraya halbowle waxaana keenay iskuroorka hannaansan ee muruqa qolka bidix ee wadnaha, sidaas darteed waxay u dhigmaan xawliga garaaca wadnaha inta goor uu wadnuhu (garaaco/daqiiqaddiiba) waxa si sahal ah looga dareemi karaa halbowlayaasha meel soke ku yaal, sida halbowlaha kalka dibadeed ee tagoogta (radial artery) ama halbowlaha luqunta (karotid artery).

sah [m.l] (-ho, m.dh)
Hadba xaalka markaas lagu sugan yahay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg