sagsaagan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-gnaa, -gnayd)

Maro wax sagsaag lagu tolay ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sagsaagan

sagsaagnaan [m.f.dh]
eeg sagsaagan. ld sagsaagnaansho.

sagsaag [m.l] (-gyo, m.dh)
1. Googoynta shaqo loo googooyo. 2. Si isweydaar ah oo makiinadda harqaanku dunta dharka ugu tosho. 3. S. ah: qof aan si joogto ah u imaan oo googoys badan. 4. S. ah: makiinad harqaan oo si isweydaar ah wax u tosha.

sagsaag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Hawl iwm ka maqnaansho. 2. Hawl si xun u qabasho. 3. Harqaan si isdhaafdhaafsan dhar ugu tolid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg