sagsaagid
(m.f.dh)eeg sagsaag².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sagsaagid ↴
sagsaag [m.l] (-gyo, m.dh)
1. Googoynta shaqo loo googooyo. 2. Si isweydaar ah oo makiinadda harqaanku dunta dharka ugu tosho. 3. S. ah: qof aan si joogto ah u imaan oo googoys badan. 4. S. ah: makiinad harqaan oo si isweydaar ah wax u tosha.
sagsaag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Hawl iwm ka maqnaansho. 2. Hawl si xun u qabasho. 3. Harqaan si isdhaafdhaafsan dhar ugu tolid.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg