Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qamandhacoo
tacabsoosar Miraha ka soo baxa hawl la qabtay.
tacaddi (1) Wax lagu kaco oo xaqa weydaarsan; waxyeello; gardarro; xumaa-to. ld dacati.
tacaddi (2) Ku t.: xad gudub samayn. ld dacati².
tacaddin ld tacaddiyid.
tacaddiyid eeg tacaddi². ld dacatin, dacatiyid, tacaddin.
tacbaan ld tabcaan.
tacbid eeg tacab². ld tabac¹, tabcid, tacab¹.
tacbiir Hab wax loo jeediyo ama loo qoro.
tacdaar (1) (dii.) Neef xoolo ah oo Ilaah dartii loo qalo. ld tadcaar¹, tamcaar¹.
tacdaar (2) (dii.) Ku t.: neef duco darteed u qalid. ld tadcaar², tamcaar².
tacdaarasho eeg tacdaaro. ld tad-caarasho, tamcaarasho.
tacdaarid tacdaar². ld tadcaarid, tamcaarid.
tacdaaro 1. Ku t.: dad badan Alla bari samaysasho. 2. Si wada jir ah wacad u gelid. 3. Sixir furyo samay-sasho. ld tadcaaro, tamcaaro.
tacliimi Cid tacliin barid.
tacliimin eeg tacliimi.
tacliin Aqoon habaysan oo la barto.
tacliinsan Qof tacliin leh ahaansho.
tacliinsanaan eeg tacliinsan. ld tacliinsanaansho.
tacliinsanaansho ld tacliinsanaan.
tacliinxumo Waxbarasho la'aan.
tacliiq Faahfaahin laga bixiyo arrin, ra'yi iwm.
tacluus 1. Cudur, bugto. 2. Juucjuuc.
tacshiirad Rasaas koox dad ahi hal mar wada ridaan.
tacsi 1. Hadallo qof laga dhintay loo jeediyo oo lagu samirsiiyo. 2. Lacag loo geeyo qof laga dhintay. 3. Murugo dhawr maalmood loo hayo qof dhintay.
tacsiir (1) Ganaax.
tacsiir (2) Cid ganaaxid.
tacsiirid eeg tacsiir².
tacsiyee U t.: cid laga dhintay hadallo samirsiin ah u jeedin.
tacsiyeyn eeg tacsiyee.
tadbiir Maamulidda si fiican wax loo maamulo (lacag, arrin iwm).
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>

 

Exit mobile version